Somaliland: Wasiirkii Hore Ee Arrimaha Dibada Oo Shir Caalami Ah Kaga Qayb Galay Magaalada Bahir Dar

Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Somaliland ahna xubin sare oo katirsan Isbahaysiga Kulmiye ayaa magaalada Bahir Dar ee dalka Ethiopia kaga qaybgalay shir madaxeed ka, Tana High-level Forum on Security in Africa, shirkaas oo lagaga hadlaayey aminga qaarada Afrika oo ay kasooqayb galeen Madax badan oo qaarada katirsan.

Mudane Maxamed Biixi Yoonis wuxuu halkaa kula kulmay Madax badan oo shirka kasoo qaby gashay isagoo uga waramay guud ahaan xaaladaha dalka Jamhuriyadda Somaliland ee Siyaasadeed, dhaqaale, Bulsho iyo sida dadka Reer Somaliland u sugeen nabada dalkooda iyadoo aan cidina kacaawin, muddo 25 sano ahna ay sameeyeen hor’umar Kala duwan.

224 320 516

Comments

comments