Somaliland: Madaxweyne Silaanyo Oo Si Mug Leh Uga Mahad-celiyay Aqoonsigii Tower Hamlets.

Date:

War Saxaafadeed:

Madaxweyne Silaanyo Oo Caalamka Ugu Baaqay In la Gaadhay Xiligii Somaliland La Aqoonsan lahaa.

“Tallaabada ay Qaadeen Golayaasha Degaanka Ee Cardiff, Sheffield iyo Tower Hamlets Waa Mid Geesimo Leh oo Mudan Inay Beesha Caalamku Kaga Dayato”
“Waxay Muujiyeen Garasho Feyow Iyo Dareen Bini-aadannimo, kaasoo ku dhiirri geliyey inay Gar-waaqsadaan Baahida Weyn ee Jamhuuriyadda Somaliland u qabto in La Aqoonsado”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa sheegay in shacbiga Somaliland ay abaal aan duugoobaynin ugu hayaan tallaabadii ay Golaha deegaanka ee Tower Hamlets ee Barriga London, ay dabo-yaaqadii toddobaadkii hore Somaliland ugu aqoonsadeen qaran madax-banaan.

Madaxweynuhu waxa uu tallaabadaas ku sifeeyay mid ku dayasho mudan oo ay ku dhiiradeen golaha deegaanka ee Tower Hamlets.
Sidaasna waxa lagu sheegay war-saxaafadeed uu maanta soo saaray afhayeenka madaxtooyadda Somaliland Md. Xuseen Aadan Cigge (Xuseen Deyr), waxaanu war-saxaafadeedkaasi u qornaa sidan:-

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), isagoo ku hadlaya magaciisa, ka Xukuumaddiisa iyo magaca ummadda Jamhuuriyadda Somaliland wuxuu halkan MAHADNAQ BAAXAD LEH uga dirayaa Duqa magaalada, Golaha Deegaanka iyo guud ahaanba shacabka ku nool Degmada Tower Hamlets ee barriga London. Madaxweynaha Jamhuuriyadda.

Somaliland waxa farxad iyo sharaf weynba u ah inuu ku hambalyeeyo kuna bogaadiyo Golaha Deegaanka ee Degmada Tower Hamlets tallaabadii ku dhaca iyo geesinamadaba lahayd ee ay qaadeen taasoo ay 18-kii November 2015 cod aqlabiyad ah ku aqoonsadeen Qarannimada iyo madax-bannaanida Jamhuuriyadda Somaliland.

Mudanayaasha Golaha Degaanka ee Degmada Tower Hamlets guud ahaan, gaar ahaana Mayor H.W. John Biggs iyo Xildhibaan Aamina Axmed waxay muujiyeen garasho feyow iyo dareen bini-aadannimo oo aad u qiimo badan, kaasoo ku dhiirri geliyey inay gar-waaqsadaan baahida weyn ee uu dalka Jamhuuriyadda Somaliland u qabo in la aqoonsado iyo xaqa ay ummaddayadu u leeyihiin inay Beesha Caalamka ka helaan ictiraaf buuxa.

Codka aqlabiyadda ah ee ay Golaha Deegaanka ee Degmada Tower Hamlets ku aqoonsadeen Qarannimada dalkayagu waa tallaabo ku dayasho mudan taasoo ay ku kasbadeen dareenka iyo quluubta shacabka Jamhuuriyadda Somaliland, waana mid ku suntanaan doonta xasuusta ummaddayada oo aanu idiinku hayno abaal weyn oo aan duugoobaynin. Sidoo kale shacabka Jamhuuriyadda Somaliland waxay u mahad naqayaan cid kasta oo isku hawshay qadiyadda Somaliland oo tallo ama taageero ka geysatay.

Ummadda Jamhuuriyadda Somaliland, muddo ku dhow 25 sanno waxay dedaal dheer iyo xusul-duub-ba ugu jireen inay helaan aqoonsi iyo ictiraaf buuxa si ay uga mid noqdaan Beesha Caalamka.

Dhinaca kale, ummadda Jamhuuriyadda Somaliland iyagoo ku nool gobol ay colaado iyo khataro halis ahi ku gedaaman yihiin, haddana waxay ku guulaysteen inay dhistaan nabadgelyo waarta, degenaansho iyo xasilooni. Jamhuuriyadda Somaliland waxay si dhab ah ugu guulaysatay hirgelinta nidaamka dimuqraadiyadda iyo hannaanka Xisbiyada badan.

Ummadda Somaliland waxay dunida tuseen kartida, awoodda iyo isku kalsoonida ay leeyihiin inay noqdaan Qaran dhisan oo si buuxda u shaqaynaya.

Tallaabada ay qaadeen Golayaasha Degaanka ee magaalooyinka Cardiff, Sheffield iyo Tower Hamlets waa tallaabo geesimo leh oo mudan inay Beesha Caalamku kaga dayato. Ugu dambayntii farriinta uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland u dirayo Beesha Caalamka waxay tahay:

“Waxaa la gaadhay xilligii ay Beesha Caalamku gar-waaqsan lahayeen masuuliyaddooda ee ay la iman lahaayeen go’aano ku dhac leh oo ay ku aqoonsanayaanJamhuuridda Somaluland.”

ALLAA MAHAD LEH

Jamhuuriyadda Somaliland ha noolaato,

Af-hayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland,

Xuseen Aadan Cige (Xuseen Deyr)

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...