Somaliland: Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland oo Iska Diiwaangeliyey Xarunta KULMIYE, kana Hadlay Heshiiskii Xisbiga

Date:

“Sida daah-furnaanta ah ee loo diiwaangeliyo qof walba ayaa idiin muujinaysa in wax la yidhaa isdabamarin iyo liisas la kala haysto…. tartan xalaal ah oo furana waa lagu tartami doonaa” Md. Cabdiraxmaan Saylici

Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa ka hadlay heshiiskii xisbiga KULMIYE ka gaadhay muran iyo cabasho xubno murrashixiin ahi ka muujiyeen hawlaha qabanqaabada shirka Golaha Dhexe ee qorshuhu yahay inuu qabsoomo 10-ka bisha November 2015.

12118849_1050275244993018_9211034730434649995_n

Madaxweyne-ku-xigeenka oo booqday xarunta dhexe ee xisbiga KULMIYE ee Hargeysa oo uu iska diiwaangeliyey, waxa uu soo dhaweeyey shaqada lagu diyaarinayo kaadhadhka aqoonsiga ee lagaga qaybgalayo shirka oo uu ku ku tilmaamay mid caddaynaysa in aanay marnaba dhici karin wax isdabamarin.

Isgoo arrintaa ka hadlayeyna waxa uu yidhi,

“Waxaynu la soconaa in dimuqraadiyadda Somaliland tahay mid curdin ah oo aynu raad-barad nahay, haddana waxa idiin muuqata in xisbiga KULMIYE yahay tusaalaha dimuqraadiyadda Somaliland, sababta oo ah waxaad la socotaan markii aannu mucaaradka ahayn golahayaga dhexe dad tirsan oo la yaqaanno ayuu ahaa, maanta oo aannu xukuumaddii nahayna dad tirsan oo la yaqaan oo hay’adihiisa sharciga ahi u dhisan yihiin ayuu yahay. Mar walbana wax naga xumaanayaa ma jiro oo nidaam dimuqraadi ah oo xaliibnaan ama waadax ah ayuu u dhici doonaa shirku haddii Alle ka dhigo, waxaanna taa caddaynaya sida daah-furnaanta ah ee loo diiwaangeliyo qof walba oo marka shirka la gaadhanaya la isku eegayo qofka magaciisa iyo sawirkiisa, taas ayaa idiin muujinaysa in wax la yidhaa isdabamarin iyo liisas la kala haysto sidii ay xisbiyo hore oo Somaliland ahi ku burbureen aanay jirin, annaga (KULMIYE) mar walba tiro go’an oo la yaqaanno weeye, taasina aanay soo gali karayn wax madmadow ahi.”

12141521_1050275294993013_4168688770355315379_n

Waxa kaloo uu ka hadlay xalka laga gaadhay khilaafkii jiray oo uu ku macneeyey inuu ku salaysnaa dimuqraadiyadda xisbigu caanka ku yahay,

“Waxa kaloo muuqata in aannu maanta wax khilaaf ahi jirin oo saaxiibadayadii dareenka muujiyey ay iyaguna shalay (Arbacadii) halkan yimaadeen, caddeeyeena in ay hawsha qayb ka yihiin, xisbigana madax meel ka sarraysa oo la salaaxaa ma jiro ee hawsha mar walba waxa wadaya hoggaanka xisbiga oo kolba ciddii ay gacan uga baahdaana iyagaa samaynaya ee cid kale oo guddi u soo samaynaysa iyo meel kale oo wax looga soo magacaabayaa midna ma jirto. Sidaa darteed, sidaa aad aragteen ayuu xisbigu u soo ururay, tartan xalaal ah oo furana waa lagu tartami doonaa,” ayuu yidhi Md. Cabdiraxmaan Saylici.

Dhinaca kale, Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi iyo Guddoomiye-ku-xigeenka koowaad Maxamed Kaahin Axmed, ayaa ku soo dhaweeyey Madaxweyne-ku-xigeenka xarunta xisbiga, iyadoo Guddoomiye-ku-xigeenka kowaad oo isagu madax u ah hawsha diyaargarowga shirka uu halkaasi warbixin kooban kaga siiyey halkay wax u marayaan oo uu xusay inay gabogabo ku dhaw yihiin diiwaangelinta liiska golaha dhexe.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...