Somaliland: Wasiir Cadami Oo Ka Hadlay Dhaawac Soo Gaadhay Taliyaha Ciidanka Qaranka Gobolka Badhan Iyo Loolanka KULMIYE

Date:

“Waxa Loo Buuxinayaa Xubnaha Ka Banaanaaday Golaha Dhexe Si Sharciya, Waxaana Soo Buuxinaya….”

“Musharixiinta KULMIYE Way Deg Degeen Ee Waxay Ahayd Inay  Maalinteeda la Sugaan Oo Miyir Qab Lagu Furo Shirka Golaha Dhexe Ee Xisbiga”

Wasiirka Wasaaradda Gaashaan-dhigga  Jamhuuriyadda Somaliland  Md. Axmed Xaaji Cali Cadami, ayaa ka war-bixiyay sida uu u dhaawacmay  Taliyaha Ciidanka Qaranka  Aagga  Badhan    Kabtan Yaasiin  Cismaan Saalax (Guray) oo ku  ku dhaawacmay  dorraad Jaamacadda Magaalada Badhan ka dib markii ay ku dhacday rasaas ka qaraxday ilaaladiisii

Wasiirka Gaashaandhigga Somaliland waxa kale oo uu  ka hadlay sida ay hadda tahay xaaladda Caafimaad ee Taliye Guray iyo siday Xukuumad ahaan ula socdaan. Waxa kale oo uu ka hadlay loolanka murrashixiinta xisbul xaakimka.

Ugu horrayn Wasiirka Gaashaan-dhiga oo ka jawaabayay su’aal la xidhiidhay dhaawaca Taliyaha aaga Badhan soo gaadhay, waxaanu yidhi

“Horta taliyuhu wuxuu ku dhaawacmay shil qadar ah oo aan isku day dil ahayn,  waxaanu ka dhacay Jaamacadda Badhan horteeda, halkaasoo uu taliyuhu u yimi buuq ka jiray iyo dhalinyarro  goobtaa isku dilayay,markii uu soo gaadhay Jaamacadda Badhan,ayuu taliyuhu ka soo degay gaadhigiisa waxaanu isku dayay in uu kala dhex galo laba dhalinyarro ah oo markaa is dilayay oo muran dhalinyarro u dhexeeyay waxaana goobta joogay labada dhalinyarrada ah ee  is dilayay dad la kala safan markii uu taliyuhu soo degay ee uu kala qabtay labadii nin ee is dilayay oo meesha buuq ka yara bilaabmay ayuu askarigii boodhigaadhka u ahaa ka soo booday gaadhigii ay wateen ka dibna boodadii iyo waxaa is raacay laba xabadood oo si ka ma,ah uga qarxay askariga,nasiib darro labadii xabadood ee qoriga askariga ka qarxayna waxay ku dhaceen Taliye Guray.

Markaa taliyuhu sidaas ayuu ku dhaawacmay dhaawiciisana waxaa lagu dawaynayaa cisbitaalka Badhan,xaaladiisa si dhow ayaanu ula soconaa  markii hore waxaanu doonaynay in loo soo qaado dhanka Magaalada Ceerigaabo laakiin markii la daweeyay ee arrintiisu mid fudud noqotay dhakhtaradii gacanta ku haysayna sheegtay in aanay hadda jirin xaalad culus oo  loo soo qaadaa waxaanu u daynay dhakhaatiirta imika dawayntiisa gacanta ku haysa imikana (xalay) waanu wada hadlaynay  oo sidii uu markii hore ahaa aad ayuu uga wanaagsanaa qarankuna wuu ogyahay kaalinta uu difaaca dalka kaga jiro. Askariga xabadu kaga qaraxdyna isna wuxuu is lahaa uun taliyahaaga gaadh yaan wax loo gaysane oo deg deg ayuu gaadhiga kaga soo booday boodadii ayuun baanay rasaastu ka qaraxday. Imikana askarigii wuxuu ku xidhan yahay xerada ciidanka qaranka ee Badhan.”

Waxaa kale oo aanu wax ka waydiinay  in uu jiro musharax rasmi ah oo u tartamaya Xisbi Xaakimka uu ka midka yahay iyo  loolanka ka dhex taagan musharixiinta Xisbi Xaakimka Somaliland ee KULMIYE  iyo shakiga ay ragga qaar ka muujiyeen soo buuxinta Xubnaha ka bannaanaaday golaha dhexe ee Xisbiga.waxaanu ku jawaabay.

“Horta musharixiinta Xisbiga ee illaa hadda ku dhawaaqay in ay tartamayaan waxaan ogahay Guddoomiyaha Xisbiga Muuse Biixi,Wasiirka Arrimaha Dibadda Maxamed Biixi,Cabdicasiis Samaale iyo Xildhibaan Kijaandhe,  laakiin waa suuro-gal in ay rag kalena isa soo sharaxaan, qof kasta oo hankiisa tijaabin karana waa u fasax  in uu is sharaxo, laakiin waxaan u arkaa in ay deg deg-dageen oo aanay wakhtigeedii gaadhin isla markaana ay ahayd horta iyadoo la aamusan yahay oo  qofkii wax is bidayaaba  hankiisa qarsanayo in shirka golaha dhexe ee KULMIYE aanu si miyir qabta u qabsanno oo halkaa markaa ninkii wax doonayaa ka tartamo laakiin imika waa wax lagu deg degay  oo aan xiligeedii iyo  marxaladeedii taagnayn.

Waxaa kale oo jira musharixiin cabasho qaba oo kulan  ugu yimi Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland,kulankaana aniga (Wasiirka Gaashaandhigga) iyo Wasiirka Arrimaha guduhuba goob joog ayaanu ka ahayn,waxaanay ka cabanayeen sida loo soo buuxinayo xubnaha golaha dhexe ee Xisbiga ka bannaanaaday ee ama geeriyooday ama si kaleba uga baxay xisbiga Liiska rasmiga ah ee sharciga ah ee golaha dhexena waa kii aanu ka soo saarnay shirweynihii Xisbiga waanay isla  waafaqsan yihiin labada dhinacba laakiin sida xubnaha dhiman loo soo buuxinayo ayay ku muran sanaayeen laakiin taana waxaa soo buuxinaya cidda ay metelayeen ee ay xisbiga ugu jireen oo sidaas ayuu sharcigu yahay.”

Wasiirka oo la  weydiiyay  isagu shakhsiyan cidda uu taageersan yahay musharixiinta illaa hadda ku dhawaaqay in ay tartamayaan,waxaanu yidhi

“Horta wali xilli hore weeyaan  nin weyn oo qaranka xil u haya oo masuul ahna waan ahay,  markaa maaha in aan wax aan laba gaadhin sii sheego imika laakiin waxaan caddayn doonaa mawqifkayga markeeda iyo halkeeda laakiin imika waxaan ku talinayaa oo kaliya in shirka golaha dhexe ee Xisbiga si nabad qab ah oo miyir qab ah oo masuuliyad ah in loo qaban qaabiyo iyo in tallada lala sugo Madaxweynaha oo dhakhso u imanaya si shirka golaha dhexe annagoo gacmaha is wada haysana oo KULMIYE wada ah aanu u qabsano halkaana markaa ninkii diyaar ahi ka tartamo oo si cad oo xalaal ah madal aan qarsoonayn la isugu muujiyo aniguna  markeeda iyo goobtaas ayaan la sugayaa taageeradayda laakiin imika ciddaa iyo ciddaa ayaan taageersan nahay odhan maayo waanay ii wada siman yihiin.”

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Time to Temper Response to Ethiopia and Somaliland

The crisis in bilateral relations between Somalia and Ethiopia...

Al-Shabab captures UN helicopter in central Somalia

Several passengers reportedly taken by the armed group after...

It is Time for the World to Recognize Somaliland

omaliland has been on a charm offensive for three...