Warbixin: Somalia oo Maamuli Doonta Hawadda Somaliland iyo Somalia, Xukuumadda Somaliland miyay Ogolaatay mise Waa la Khaayimay?

Date:

Maqaal uu Qoray Jimale Madar ayuu kusoo Bandhigay Somalia oo Maamuli Doonta Hawadda Somaliland iyo Somalia, Waxa is waydiin leh, Xukuumadda Somaliland miyay Ogolaatay in Hawadeedda laga maamulo Muqdisho mise Waa la Khaayimay?

Warbixinta uu Qoray Jimale Madar ayaa waxay u dhignayd sidan:

Wasiirka Duulista iyo Hawadda ee Maamulka Muqdisho Mohamed Abdilahi Salaat ayaa Kulano badan oo uu la galay Maamulka Sarre ee Hay’adda ICAO ayaa ku guuleystay in uu ku qanciyo in ay Somalia Hawadeed Maamulato.

Mohamed Abdullahi Salaat , Wasiirka Duulista Somallia iyo Gudoomiyaha ICAO , Dr. Fang Liu

Wasiir Salaat ayaa sidoo kale ICAO ku qanciyey in gabi ahaanba Somaliland la iska indhotiro, iyo inaan waxba laga soo qaadin dhamaan Qodobadii kasoo Baxay Shirarkii wada hadaladda Somaliland iyo Somalia ee Maamulista Hawadda Dalkii la isku odhan jiray Somalia isla markaana Dhamaan loo raro Mogadisho si looga Maamulo Halkaas.

Qoraal kooban oo ay Hay’adda Duullista iyo saadaasha hawada Soomaaliyeed ee SCAMA ku baahisay Barteedda Twitter ka ayay ku Sheegtay in:

“Hayadda SCAMA iyo ICAO si gaar ah uga wada shaqaynayaan Sidii Muqdisho loogu Wareejinlahaa Maamulista Hawadda Somaliland iyo Somalia”

Waxa ay Muuqladdan Dusha ku xusani Cadeynayaan Heshiisyadda ay kala Seexeexdeen ICAO iyo Somalia oo ay matalayaan Wasiirka Duulista ee Salaat iyo Agaasimaha Hayadda Duulista ee SCAMA Yusuf Jaale.

Wasiir Salaat oo Dhawr jeer ku noqnoqday Magaaladda Montreal ee xarunta u ah Hayadda ICAO si uu ula kulmo Dr. Fang Liu  ayaa sidoo kale dhowr jeer soo maray Xarunta ICAO FISS ee Nairobi mar uu kusii socday Moqdishu ayuu kula kulmay Halkaas Engineero Hawadda iyo Shaqaalihii ku Sugnaa Xaruntaas, oo uu u sheegay in ay u diyaar garoobaan Xarunta cusub ee MFIC (Mogadishu Flight Information Center) oo Moqdisho laga dhisay, isla markaana loo rari doono bisha 11-aad ilaa 12-aad Sannadkan gudihiisa.

Controller-Pilot Data Link Communication (CPDLC)

Wasiir Salaat Safarkiisii u dambeeyey ee ICAO waxa lagu soo Qalabeeyey oo loosoo raray Saddex koontiinar oo ka kooban Qalabka iyo raadaalo lagu maamulo Hawadda oo ukuwii u dambeeyey ah qiimahooduna Malaayiin Dollar kor u dhaafayo, (indispensable HF radios and Controller-Pilot Data Link Communication (CPDLC)).

Qalabkan oo dhawaan soo gaadhay Magaaladda muqdisho, ayaa ay warbaahintu ku sheegtay in uu si qaldan ay contiinaradani u soo gaadheen Magaaladda Moqdishu, iydoo ICAO ay sheegtay in uu qalabkanu u socday Nairobi halka ay ahayd Qorshe loogu Talogalay oo ay kasoo shaqeeyeen qaar ka mid ah saraakiisha ICAO oo Lacago ku qaatay siday qalabkan ku geyn lahaayeen Magaaladda Muqdisho, si Maamulka Muqdishu uu awood u helo in uu maamulo Hawadda Somalia iyo Somaliland.

Madaxweynaha Hay’adda ICAO Dr. Olumuyiwa Benard Aliu oo asal ahaan kasoo jeeda Dalka Nigeria ayaa ka mid ah raga lagu masuuliyiinta ka shaqeeyey in ay Somalia la wareegto Hawadeeda, isaga oo iska indhatiraya Heshiis kii labaad ee Somalia iyo Somaliland ay ku galeen Ankara, Turkey ee dhigayey in Hargeisa si wada jir ah looga Maamulo Hawadda Labada Dal.

Dr. Olumuyiwa Benard Aliu

Mr. Aliu ayaa Bishii Afraad (April) ee Sanadkan ayaa sheegay in ay somalia Xaq u leedahay in ay Hawadeeda Maamulato isla markaana ay tahay wax sharcigu siinayo. taas oo ka dhigeysa in Maamulka Farmaajo Maamulo Hawadda Somalia & Somaliland.

Somaliland oo La Khaayimay

Wasiir Farhan Aden Haybe oo ay Shaqadiisa tahay Wuu ku Fashilmay isaga iyo Wasiirka Arimaha Dibadda Somaliland-ba Mr. Sacad Cali Shire in ay ilaaliyaan Danaha Somaliland.

Wasiir Farhan-kan Duulista Somaliland ee Khibradda yar ayaa la kulmay Wasiirka cusub ee Maamulka Muqdisho Kulan Qarsoon oo ka dhacay Nairobi, Kulankan oo bishii hore ka dhacay Magaaladda Nairobi ayaa Wasiirka laga saxeexay in Somaliland Hawadeeda laga Maamulo Magaaladda Muqdishu.

Read More: Somalia: Wasiirka Duulista Somalia Oo La Ogaaday Inuu Ka Been Sheegay Kulan Dhawaan Dhexmaray Madaxda ICAO

Read More: Somalia: Soomaaliya Oo La Wareegaysa Maamulka Hawada Ee ICAO Gacanta Ku Hayso Iyo Somaliland Oo Daawanaysa

Wasiir Salat ayaa la hadlay Warbaahinta isla markaana sheegay in Hawadda Somaliland iyo Somalia ba laga maamuli doono Magaaladda Muqdisho isla markaa ay u Soo rarayaan shaqaalaha Xarunta cusub ee laga dhisay Magaaladda Muqdisho.

Wasiir Salat oo sidoo kale heshiisyo kula saxeexday Nairobi dhigiisa Dalka Kenya, oo dhinaca Hawadda, Rarista Shaqaalaha ICAO iyo in Kenya Airways ay si tuus ah ay duulimaadyo uga bilowday Magaalooyinka Mugdisho-Nairobi. taas oo ka dhigeysa in ay Somalia Sheegato Awaada ay ku maamulaysa Somalia oo dhan iyadoo ku Darsanaysa Jamhuuriyadda Somaliland.

Wasiir haybe ayaa Xaqiiqdda ka qarinaya Shacabka somaliland iyo Warbaahinta Somaliland ba, isla markaana aad uga dhex muuqda Siyaasadda gudaha.

Wasiir Haybe oo la hadlaya Warbaahinta Maxaliga ah June markii uu kasoo noqday Safarkiisii Nairobi ayaa sheegay in aanay waxba ka jirin in hawadda Somaliland laga maamuli doono Magaaladda Muqdisho, taas oo been cad ah.

Haddii xaqiiqda la ogaado, waxaa hubaal ah in isaga iyo Wasiirka arimaha dibaduba si cad loo dhaleeceyn lahaa iyada oo aan cidina ka difaaci karin in wasiirka Duulista Somaliland uu la kulmay dhigiisa Somalia iyadoon si rasmi ah loo shaaciyay kulankaas, iyo wadahadallo heer qaran oo caalami ah.

waxa laga cabsi qabaa in arinkani waxyeello aan laga soo kaban karin uu gaadhsiiyo Sumcadda iyo Qadiyadda ay Jamhuuriyada Somaliland ku doonayso aqoonsi caalami ah, iyo mid diblumaasiyadeed ba.

Arinkani hadii uu xaqiiqo noqdo waxa uu sidoo kale Dhaawac weyn ku keeni karaa Ololaha uu Xisbiga kulmiye iyo Muse Biixi ay ku Doonayaan in ay Marlabaad kusoo noqdaan Xukunka Jamhuuriyadda Somaliland.

By Jimale Madar

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...