Wasaaradda Qorshaynta Qaranka iyo Horumarinta Somaliland ayaa beenisay war ay qoreen qaar ka mid ah warbaahinta oo ay ku sheegayeen in aan si siman loo fulin Sanduuqa Horumarinta Somaliland ee SDF, isla markaana wasiir-ku-xigeenkii hore ee Wasaaradda Qorshaynta Cabdikariim Maxamed Moogeisku casilay maamul-xumo ka jirta Sanduuqa.
Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Qaranka Sacad Cali Shire, Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Maaliyada Cismaan Cabdillaahi Saxardiid Caddaani iyo Wasiir-ku-xigeenkii hore ee Wasaaradda Qorsheynta Cabdikariin Axmed Mooge iyo saraakiil ka socday Sanduuqa Horumarinta Somaliland ee SDF oo shalay shir jaraa’id ku qabtay xarunta Wasaaradda Qorshaynta Qaranka ee magaaladda Hargeysa, ayaa waxay sheegeen in aanay waxba ka jirin war uu qoray wargeyska Waaheen, iyagoo tilmaamay in Sanduuqa Horumarinta Somaliland SDF yahay mashruucii ugu ballaadhnaa ee Somaliland hesho, isla markaana aannu ahayn mashruuc la siyaasadeeyo.
Wasiirka Qorsheynta Sacad Cali Shire oo ugu horayn halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu yidhi “Mashruuca Sanduuqa Horumarinta waa mashaariicda ugu qiimaha badan ee waddanka laga fuliyo, waxaannu ku yimi dadaal iyo hawl badan oo laga galay laga soo bilaabo sannadkii 2011, waxaana iska kaashaday sanduuqaas afar waddan oo kala ah Ingiriiska, Denmark, Norway iyo Holland.
Isu-gayn lacagta lagu soo shubay Sanduuqa waxa weeye 64 milyan oo doollar, waxa loogu tallo-galay mashruuca inuu socdo 4 sannadood, waxaana uu hoos yimaada ilaa 9 wasaaradood oo kala ah; wasaaradaha Biyaha, Beeraha, Xoolaha, Deegaanka, Kalluumaysiga, Caafimaadka, Tacliinta, Hawlaha Guud iyo Qorshaynta, waxa kale oo hoos yimaada laba hay’adood oo madaxbannaan oo kala ah hay’adda Waddooyinka iyo Wakaaladda Biyaha Hargeysa, intaas ayuu hoos yimaadaa mashruucan.”
“Markaa Wasaaradda Qorshayntu ma maamusho mashaariicda Sanduuqa Horumarinta, mana curiso ee wasaaradaha ayaa curiya, waxa dhaqan-galiya mashaariicdaas shirkadda la yidhaahdo Mac Donald, habka ay u qaadato shaqaaluhuna waxa weeye hab waafaqsan nidaamka caalamiga ah ee ay u dhigeen qaadhaan-bixiyeyaashu.
Tartan ayaana loo gala hadday noqoto shaqaale iyo hadday noqoto qadnaraas. Warka ku soo baxay wargeyska Waaheen oo runtii ay ka muuqdeen waxyaabo faro badan oo u baahan sixitaan, waxa ugu horraysa oo aan saxayaa in aanay Wasaaradda Qorshayntu maamulin Sanduuqa Horumarinta Somaliland ee SDF, waxa kale oo aan leeyahay iscasilaadii Cabdikariim Axmed Mooge wax xidhiidha lama laha mashaariicda SDF,”ayuu intaas raaciyay Wasiirka Qorshayntu.
Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Maaliyadda Cismaan Cabdillaahi Saxardiid Caddaani oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in aan loo baahnayn in la siyaasadeeyo mashruuca SDF, maadaama uu yahay mid wax wayn u taraya dalka, waxaana uu yidhi “Mashruucan Sanduuqa Horumarinta Somaliland waa mashruuca ugu weyn ee Somaliland loo fidiyo taariikhiyan, waxaannu musuqna u galayn dawladda lacag looma dhiibo ee shirkad ajanebi ah ayaa maamusha oo loogu talogalay, iyadaa qandaraasyada bixisa, shaqaalahana qorta, imtixaan ayaa loo gala, qandaarasyadana waa loo tartamaa. Markaa in mashruuca la siyaasadeeyo maaha oo la dacaayadeeyo, waa mashruuc Jamhuuriyadda Somalialnd halbawle u ah, mustaqbalkiisa dagaalka lagu qaado ee aan waxba ka jirina waa dagaal lagu qaaday dadka Somaliland.
Hadday jiraan waxa la sheegayaa in saxaafaddu qorto waa sax, haddii aanay waxba ka jirina sida aannu qabno waxaanu qabnaa in ay tahay wax dano gaar ah laga leeyahay.”
Wasiir-ku-xigeenkii hore ee Wasaaradda Qorshaynta Qaranka Cabdikariin Axmed Mooge oo isaguna halkaasi ka hadlay, ayaa beeniyay in iscasilaadiisii ku lug lahayd sanduuqa SDF, waxaana uu yidhi
“Waxaan sheegayaa wixii aan idhi nin dhuunta ma ihi, intii fursadda aan isku helnay saxaafadda waan u sheegay sababta aan isku casilay si cadna waan ugu sheegay, iyadoon madmadow lahayn, ninkii Jin u warramay ee Jinku u turjumay anigu uma jawaabi karayo, waxaan isku casilay oo cad waa sababo ii gaar ah shaqooyin ii gaara ayaan doonayaa in aan u gacan banaanaado.”
Sidoo kale waxa iyaguna halkaasi ka hadlay xubno ka socday Xafiiska Sanduuqa Horumarinta Somaliland ee Hargeysa, kuwaas oo sheegay in aanay jirin shaqaale ay ku qaateen hab qabiil iyo nin jeclaysi toona, balse wax walba lagu qaato hab imtixaan hufnaan ah.