Somaliland: Agaasimaha Machadka Shaqaalaha Oo Tabobar Muhiim Ah u Soo Gabogabeeyay 19 Xubnood

Agaasimaha Machadka Shaqaalaha Somaliland Service Institute (CSI) Prof. Maxamed Mixille Boqore, ayaa maanta xarunta machadka ku soo gabo-gabeeyay tababar ku wajahnaa habka loo fuliyo lafo-gurka macluumaadka (Data analysis) oo lagu carbiyay 19 xubnood oo ka kala socday afar wasaaradood iyo Ha’yadda shaqaalaha dawladda.

Tababarkaasi oo socday muddo saddex todobaad ah waxa habka macluumaad ururinta iyo lafo-gurkooda la siiyay hawl-wadeenno ka kala socday Wasaaradaha Ganacsiga, Maaliyadda, dib u dejinta, Xidhiidhka Goleyaasha iyo ha’yadda shaqaalaha.

Agaasimaha Machadka Shaqaalaha Dawladda Prof. Maxamed Mixile Boqore ayaa sheegay in tababarkan ay u qabteen sidii Shaqaalaha aqoontoodda kor loogu qaadi-lahaa, waxaanu yidhi “Machadkan Shaqaalaha Dawladda waxaanu u furnay in dadka aanu ku habayno oo aanu kor ugu qaadno aqoontooda iyo xirfadoodda , waxaanu doonaynaa markaad halkan ka baxdaan in Macluumaadka Shaqaalaha Dawladda loo sameeyo meel xogtooda lagu ururiyo (Data-base) oo qof kastaaba halka uu joogo iyo Gobolka uu joogo ay ku jiraan, waa inaad waxaasi habaysataan oo aad samaysataan. Shaqaalaha Tiknoolajiyaddana shaqadoodu waa Cilmi-baadhis wax badan-baanu baraynaa oo Buugaag badan oo ka hadlaya Siyaasadda Cilmi-baadhista ayuu Machadku diyaariyay, markaa waa in la baraa sida macluumaadka loo ururiyo, idinkana Macluumaad badan-baa la idinka baahan-yahay.”

Prof. Maxamed Mixille Boqore waxa uu intaas ku daray “Wasaaradda dib u dejinta waa in mar kasta la idinka helaa Macaluumaadka Qaxoontiga, waana kuwa aan muhiimadda saarayno, halkan idinkuma daynayno , waxaanu idin wadaynaa halka ugu saraysa. Aniga maraya Wasaaradaha oo la kulmaya Agaasimayaasha guud iyo Wasaaraddaha aad ka socotaan, waayo Agaasimayaasha guud ayaa ku fadhiista oo yidhaahada waxaan maba garanayno, mar labaad iyo mar saddexad-na Wasaaradihiinaa Macaluumaadka iyo tirakoobka ka shaqeeya wax baanu baraynaa oo dib ayaanu ugu celinaynaa.”
Amaal Saleebaan oo ah hormoodka kuliyadda maamulka dawliga ah (Public Administration-ka) oo halkaasi ka ka hadashay ayaa sheegtay in shaqaalaha dawladda looga baahan yahay inay si joogto ah wax u bartaan si ay khibrad dheer u yeeshaan, waxaanay tidhi “Shaqaale Dawladeed-baad tihiin, qofka Shaqaalaha ahna waxa lagama maarmaan ah inuu yahay qof khibrad iyo xirfad leh, xirfadaasi waxay u baahan tahay, qofka khibrada leh-na waxa lagu gartaa waa qof mar walba u taagan inuu barto aqoon joogto ah oo soconaysa, heerkay doonto tacliintiisu ha joogtee.”
“Machadkan-na waxaynu ognahay in ujeedadiisa guud ay tahay inuu tayeeyo shaqaalaha dawladda, kooraskani-na kii u horeeyay maaha , koorayso badan-baa ka horeeyay kuwo badana way ka dambeeyaan tabobarkan, waxaan idinku boorinayaa inaad marka aad xafiisyadiina ku noqotaan aad dabaqdaan aqoontii aad halkan ku qaadateen,”ayay tidhi Amaal Saleebaan.

Xubno ka mid ahaa hawl-wadeenadii tabobarkan qaatay ayaa u mahad celiyay macalimiintii tababarka bixinayay iyo machadka shaqaalaha dawladda oo ay tilmaameen inay aqoon badan ka korodhsadeen mudadii ay tababarka ku jireen.
Gaba-gabaddii Guddoomiyaha Machadka Shaqaalaha Dawladda Prof: Maxamed Bixile Boqore waxa uu Shahaadooyin guddoonsiiyay Shaqaalahan tababarka dhamaystay.

Comments

comments