Somaliland: “Cali Khaliif Halkuu Ka Soo Jeedo Ha Tago Oo Wiilashiisa Ha Ku Khamaaro” Wasiir Xaglatoosiye

Date:

“Reer Buuhoodlow Colaad La Soo Waariday Ayaa Idiin Timid Ee Iska Saara Anigu Ma Rabo Wiil Dambe Inuu Ku Dhinto Buuhoodle”

Wasiirka caafimaadka Somaliland Saleebaan Ciise Axmed (Xaglotoosiye) iyo wefti uu hogaaminayo ayaa shalay gaadhay magaalada Buuhoodle, waxaana halkaasi si la yaab leh ugu soo dhaweeyay kumanaan kun oo qof, oo ay horkacayaan Salaadiin, cuqaal, waxgarad, iyo qaybaha kala duwan ee bulshadda.

Socdaalka Wasiirka ayaa ujeedadiisa lala xidhiidhinayaa sidii uu uga hortagi lahaa mashruuc colaadeed oo uu deegaanka Buuhoodle u soo waariday hogaamiyaha kooxda nabad-diidka ah ee Khaatumo Cali Khaliif Galaydh oo maalmihii ugu dambeeyay ku sugnaa magaalada Buuhoodle.

Gaadiid tiro badan iyo fardo ayaa lagu qaabilay weftiga Wasiir Xaglotoosiye, iyadoo waxgaradka iyo qaybaha bulshadda ee degaanku kaga hor tageen masaafo u jirta 35 km magaalada, waxaana loo galbiyay dhinaca gudaha magaalada Buuhoodle.

Wasiirka ayaa shacabi weynihii soo dhaweeyay waxay ku soo wareejiyeen magaaladda buuhoodle iyo goobaha muhiimka Iyagoo markii dambe soo mariyey wadada wadnaha, ka dib ka dibna waxa uu kala hadlay garoonka kubadda cagta ee Magaaladda Buuhoodle. waxaanu u jeediyay khudbad dhinacyo badan taabanaysa iyo sida qaddiyadda qaranimada Somaliland u tahay lama taabtaan, waxaanu ugu bushaareeyay in xukuumaddu ula diyaar tahay mashaariic horumarineed.

Wasiir Saleebaan Xaglatoosiye waxa uu si adag uga hadlay joogitaanka Buuhoodle ee hogaamiye kooxeedka nabad-diidka ah Cali Khaliif Galaydh, oo uu ku macneeyay mashruuc colaadeed oo loo soo waariday bulshadda Buuhoodle.

“Reer Buuhoodloow colaad la soo raray ayaa idiin timid ee ha la iska saaro.anigu ma rabo wiil dambe inuu Buuhoodle ku dhinto. Buuhoodle in dhib dambe ka dhacdo ma rabo. Reer Buuhoodlow tashada. Isku tashada, colaad baa la idiin soo raray, mashruuc baa la idiin keenay la doonayo inaad ku dhimmataan. Ma doonayo, ma rabo, ma arki karo wiil dambe oo reer Buuhoodle ah oo bilaash ku dhinta,” ayuu yidhi Xaglotoosiye.

Wasiir Xaglotoosiye ayaa sidoo kale ka hadlay imaatinka Cali Khaliif ee Buuhoodle “Cali Khaliif meesha uu ka soo jeedo ha tago oo wiilashiisa ha ku khamaaro laakiin, reer Buuhoodle wiilashoodu khamaarkii way ka gudbeen. Ma ogolin ee Cali Khaliif hadda ku dareera ha ina dhaafo,” ayuu yidhi Wasiirka Caafimaadku.

Sidoo kale, waxaa iyaguna halkaasi hadallo ka jeediyay waxgarad iyo dadweynaha reer Buuhoodle oo si diiran ugu soo dhaweeyay degaanka Wasiir Xoglotoosiye, kuwaasi oo sheegay inuu dhulkiisii yimid islamarkaana ay ku soo dhaweynayaan.
Wasiirka caafimaadka ayaa tan iyo intii uu xukumadda Madaxweyne Axmed Siilaanyo ka tirsanaa waxa bulshadda degaannada bariga Somaliland ay kaga mahad sheegteen wax-qabad aad u ballaadhan oo uu ugu horreeyo adeegga caafimaadku, isagoo saamayn siyaasadeedna ku leh deggaannadaasi uu ka soo jeedo iyo guud ahaan gayiga Somalilandba.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...