Somaliland: Madaxweyne Silaanyo Oo Ku Dhawaaqday In Dalka Laga Sameeyo Biyo Dhaamis Qaran

Date:

Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Silaanyo, ayaa wasaaraddaha  Biyaha iyo maaliyadda waxa uu amray inay taakulayn degdeg ah gaadhsiiyaan gobolada Awdal, Salal, Gabiley iyo degaanno ka mid ah gobolka Sanaag.

Madaxweynaha ayaa amray in 48-ka saacdood ee soo socda wasaaraddahaasi bilaabaan biyo dhaamis degdeg ah oo dadkaasi lagu gaadhsiiyo biyo kadib markii abaaro saameeyay dad iyo duunyo saameeyeen deggaannadaasi.

Go’aanka madaxweynaha ayaa soo baxay iyadoo Mudaneyaasha gobolada galbeedka Somaliland iyo xisbiga Waddani ka dayriyeen xaaladda nololeed ee degaannada Awdal, Salal iyo Gabiley.

Madaxweyne Silaanyo waxa uu amar ku bixiyay in biyo dhaamiskaasi socdo inta laga daboolayo baahida dhinaca biyaha ee dadka iyo xoolaha haysata ama inta Raxmadda Alle ka da’ayso.

Dhinaca kale kadib go’aanka madaxweynaha waxa uu roob fiicani ka da’ay Magaalada Gabiley iyo degaammada hoos yimaada. Qaar ka mid ah dadweynaha Gabiley oo saxaafadda la hadlay ayaa Alle uga mahadnaqay Raxmadda Alle ee da’day wakhti aad loogu baahnaa, iyagoo Alle ka rajeeyay inuu raxmada u siyaadiyo.

Wasiirka warfaafinta Cabdillaahi Maxamed Daahir Cukuse oo Burco kaga dhawaaqay amarka Madaxweyne Siilaanyo, ayaa shacabka ugu baaqay inay Alle waydiistaan Raxmaddiisa islamarkaana Alle ka baryay inuu Dayr wanaagsan siiyo dadka iyo duunyada Somaliland ku nool.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...