Somaliland: Madaxweyne Silaanyo Oo Burco Mashaariico Ka Furay Qaarna Dhagax Dhigay

Date:

Madaxweynaha Qaranka Somaliland Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo iyo weftigii uu hogaaminaayey oo maalintii 8aad ku sugan burco ayaa mashaariic tiro badan dhagax dhigay kuwo kalena furay.

Madaxweynaha oo saaka u dhaqaaqay hirgelinta iyo fulinta mashaariic aad u tiro badan oon hore uga dhicin magaalada burco xadhiga ka jaray kuwo kalena furay, mashaariicdaas oo isugu jirtay, laba wado oo isu geynteedu tahay 2.5km oo u kala baydhidoonta Dugsiga Farsamada Gacanta burco iyo ceelka Saleebaan kulul, wadada saylaca oo la dhagax dhigay, Solarta jidadka waa weyn ee burco oo madaxweynuhu xadhiga ka jaray, laba wado oo kale oo 2Km iyo 30m oo xaafada October, 4 taangi biyood oo kaydka biyaha burco lagu soo kordhiyey oo madaxweynuhu furay lagana dhisay xaafadaha Sheekh Bashiir, Buqleeya, Jarmalka iyo If iyo aakhiro kuwaasi oo ay iska kaashadeen dawlada hoose iyo Wasaaradda biyuhu, sidoo kale waxa uu madaxweynuhu dhagax dhigay laba Taangi biyood oo lagu dari doono kuwaa hore, iyo furitaanka guriga haween weynaha Now iyo library loo dhisay ururka akhristayaasha ee Halkaraan.

guud ahaan mashaariicda wadooyinka ee uu madaxweynuhu dhagax dhigay maanta ayaa maamulka heer degmo iyo heer gobolba sheegeen inay tahay 12km oo isku wareega.

waxa xusid mudan in madaxweynaha qaranku xalay shir balaadhan oo lagaga hadlaayey xaalada iyo horumarka gobolka uu la qaatay madaxdhaqameedka iyo odayaasha gobolka togdheer shirkaas oo ku dhamaaday is fahan iyo is afgarad ayaa ahaa mid  ka qabsoomay guriga martida ee burco madaxweynuhuna uu madaxdhaqameedka iyo odayaasha ku hambalyeeyey isku duubnida iyo wada shaqaynta qotada dheer ee ka dhaxaysa.

ka dibna waxa uu weftiga madaxweynuhu u soo kicitimeen dhinaca gobolka Saaxil waxaana si weyn loogu soo dhaweeyey degmada Sheekh oo uu ka dhagax dhigay laba mashruuc oo kala ah dhagax-dhiga wadada dariiqada oo dhererkeedu yahay 1m iyo 60m iyo balaadhinta dawlada hoose, ka dibna waxa uu madaxweynuhu shacbiga kala hadlay fagaaraha isaga oo uga mahadnaqay soo dhawaynta qiimaha badan ee ay weftiga iyo madaxweynaha ku qaabileen, waxaanay weftigu socdaalkooda ka sii wateen halkaasi.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...