Somaliland: Wasiiro KaTirsan Xukuumadda Madaxwayne Siilaanyo Oo La Filayo Inay U Baxaan Dalka Imaaraadka Carabta + Ujeedada Socdaalkooda

Date:

Wasiiro ka tirsan xukuumadda Madaxwayne Siilaanyo ayaa la filayaa inay dhawaan safar ugu baxaan dalka Dibadiisa gaar ahaana dalka Imaaraadka Carabta.

Wasiiradan baxaya ayaa tiradooda naloogu sheegay inay yihiin 5 wasiir kuwaas oo xoguhu tibaaxayaan in ay ujeedada socdaaalkoodu salka ku hayso arrimo la xidhiidha dekeda magaalada Berbera,shaqaalaha dekeda iyo waliba saldhigii Milateri ee Berbera laga siiyey dawlada Imaaraadka Carabta.

Sidoo kalena waftigan wasiirada ah ayaa ujeedada socdaalkoodu daaran tahay sidii ay dawlada Imaaraadka Carabta ugaga soo mahadnaqi lahaayeen kaalmadii buuxday ee ay kaga qayb qaateen abaaraha baahsan ee dalka ka jira iyo waliba daawayntii 5000 (Shanta Kun) ee qof ahayd ee ay dhakhaatiirtii ka socday dawlada Imaaraadku kaga fuliyeen gudaha magaalada Hargeysa.

Waftigan wasiirada ah ayaa waxa hogaaminaya wasiirka wasaaradda madaxtooyada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi,waxaana xubno ka ah sida naloo sheegay wasiirka Arrimaha dibada Somaliland Sacad Cali Shire,wasiirka Duulista iyo hawada Somaliland Farxaan Aadan Haybe,Wasiirka Maaliyadda Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan iyo waliba wasiirka Warfaafinta Somaliland Cismaan Cabdilaahi Saxardiid Cadaani,sidoo kalena wararka ayaa waxay  tibaaxayaan in uu waftigan la socdo isna wasiirka Qorshaynta Qaranka Somaliland Maxamed Ibraahin Aadan “Qabo”.

Waftigan wasiirada ayaan si rasmi ah loo shaacin wakhtiga ay baxayaan balse ilo wareedyo u dhuun daloola madaxtooyada ayaa noo sheegay in ay wadaan qabanqabaada safarkooda lana filayo in ay baxaan todobaadkan ama ka ku xiga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...