Somaliland: Saddexda Xisbi Qaran Ee Somaliland Oo Heshiis Kala Saxeexday Iyo Qodobbada Lagu Heshiiyay

Date:

Saddexda Xisbi qaran ayaa caawa shaaca ka qaaday inay ku heshiiyeen heshiis afar qoddob ka kooban oo ay ku soo afjarayaan khilaafkii ka dhashay Muddo kordhintii Golaha Guurtiddu u samaysay Xukuumadda iyo Golaha Wakiiladda.

Hoggaamiyeyaasha saddexda xisbi qaran waxay sidaasi kaga dhawaaqeen shir jaraa’id oo ay caawa si wad jir ah ugu qabteen xarunta madaxtooyadda Somaliland.

Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo hoggaaminayay wada-hadalladii xisbiyadda, ayaa sheegay inay Somaliland guul u tahay inay dhamaysteen khilaafkii ka dhashay dib u dhicii ku yimid doorashooyinka, isagoo arrintaas ka hadlayayna waxa uu yidhi “Khilaafku waa wax mar walba iska dhaca,laakiin sidii la innagu yaqaannay haddii aan reer Somaliland nahay waan dhamamaysanay ,inaan isku af-garanay heshiiskaasi inay qabsoonto 2016-ka bisha 12-aad, habeenkaa caawa Somaliland guul ayaa u soo hoyatay,waa in gacmaha la is qabsadaa guushaa aan maanta gaadhay,beesha caalamkuna waa inay nagu taageeraan go’aankaa aanu qaadanay.
Annagoo mar kasta hawsheenna dhammaysana sidaa darteed, aad baan u hambalyaynayaa shacabka Somaliland iyo saddexda xisbi qaran ,dood aad u dheer ayaa lagu lafo- guray aakhirkiina waa taa caawa halkaasi lagu soo gabagabeeyay guul ayaynu joognaa.”

Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe oo ka hadlay heshiiskan waxa uu yidhi “Marka hore waxa aan shacabka reer Somaliland ugu bushaaraynayaa inaanu sidii caadada innoo ahayd arrintii aanu afarta maalmood u fadhinay inaanu caawa isla afgaranay in doorashadii la qabto sannadka2016ka,waxa aanu aanu isla garanay waa in beesha caalamku in nagu ixtiraamaan go’aankaasi oo ah mid qaran ,waxa aan aad ugu mahadnaqayaa saddexda xisbi iyo xukuumadda,waxa halkaasi nooga muuqata in dhammaan saddexdii xisbi qaran iyo xukuumaddu ku heshiiyeen in doorashada la qabto bisha December 2016-ka ,hadda waxa aan galaynaa arrimo badan oo tani fure u tahay oo la dhammeeyo intaan doorashada la gelin si doorasho wanaagsani innoogu dhacdo,waa inaanu wadatashi cusub ka yeelano,madaxwyanaha waxa aanu leenahay arrintaasi sidii ay innoogu hirgali lahayd aan ku dhaqaaqno.”
Guddoomiyaha xisbul-xaakimka KULMIYE Md.Muuse Biixi Cabdi, ayaa isna sheegay inay Somaliland guul u tahay inay furdaamiyeen khilaafkii u dhaxeeyay xisbiyadda qaranka, waxaanu yidhi “Waxa aanu idiinku bushaaraynaynaa wada hadaladayadii oo in badan qolooyinka saxaafadu wuu burburey iyo waa lagu kala kacay ay qorayeen inaanu caawa (caawa) aanu heshiis gaadhnay haddii aanu nahay saddexda xisbi qaran iyo xukuumadda oo aanay ciddiba na soo faro galin ,doorashooyinku waxa ay ku qabsoomi doonaan December 2016-ka, maalinta waxa cayimi doona guddiga doorashooyinka qaranka,sida sharciga doorashooyinku dhigayo intaasi ayaanu heshiis ku gaadhnay. Madaxwaynaha waxa aanu codsi u soo jeedinay arrintaa ay xisbiyadu ku soo heshiiyeen oo aanan taaban muddo xileedkii Guurtidu kordhisay aanan taaban ,xukuumaddii iyo saddexdii xisbiba way isla qaateen sidaa iyo guul ayaanu illaahay ka rajaynaynaa.”
Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo isaguna shirkaas jaraa’id ka hadlay waxa uu yidhi “Waxa aanu isla qaadanay in doorashooyinku innnoo qabsoomaan 2016-ka ,maalintana ay qorshaynayaan Guddiga doorashooyinka qaranku,lagana soo guuro 2017-kii”

xisbiyadda qaranka ee KULMIYE, WADDANI iyo UCID waxay ku heshiiyeen in badhtamaha bisha December ee 2016-ka ay qabsoomaan doorashooyinka madaxtooyadda iyo wakiiladdu. heshiiskaasina waxa uu u dhignaa sidan:-

 

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...