Markab 2aad oo Tahriib sida oo laga helay bada Italy

Markab laga leeyahay dalka Senegal oo sida boqolaal Tahriibayaal ah ayaa laga helay biyaha u dhaxeeya dalka Talyaaniga iyo Giriiga, waa markabkii labaad oo Tahriib sida oo todobaadkan soo gaaray xeebta Talyaaniga.

Markabkan ayaa la sheegay in aan cidina wadin, kadib markii shaqaalihii saarnaa ay ka carareen markabkan ayaa sida boqolaa tahriibayaal Afrika ka yimid, waana markii labaad oo markab aan naakhuude lahayn bada looga dhex tago.

Sadex maalmood kahor ayey ciidamada Bada Talyaaniga soo badbaadiyeen markab bada dul sabeenayey kaasi oo siday 700 tahriibayaal u badan kuwa ka yimid Siiriya iyo Ciraaq.

Comments

comments