Somalia:Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya oo la kuomey dhigiisa dalka Imaaraadka Carabta

Date:

Wasiirka Arrimaha Dibedda & Dhiirigelinta Maalgeshiga Dr Abdusalam Omer Hadliye ayaa maanta kulan la qaatay Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Dalka Iskutagga Imaaraadka Carabta H.H. Sheikh Abdullah bin Zayed al Nahyan, waxaana goobjoog ahaa Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Imaaraadka Carabta Mudane Cabdulqaadir Sheikhey Al-Hatimi.

Labada wasiir ayaa ka wada hadlay xoojinta cilaaqaadka labada dal, isla markaasna ay sheegeen in labada dal uu cilaaqaad wallaaltinimo ah oo fog oo taariikh leh uu ka dhaxeeyo. Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Soomaaliya Dr Abdusalam Omer Hadliye ayaa uga mahadcleiyey dhigiisa sida ay Dowladda Iskutagga Imaaraadka Carabta ay u taageerto Soomaaliya oo ay mashaariic fara badan ka fuliso dalka oo dhan, isla markaasna dhanka gar-gaarka bani’aadanimo ay si wallaaltinimo ah u garab taagantahay Soomaaliya.

hadliyee-740x493

Wasiir Abdusalam Hadliye ayaa sheegay in loo baahan yahay in labada dal ay ka wada shaqeeyaan arrimaha amniga, burcad-badeeda, iyo sidii ganacsatada Soomaaliyeed loogu dhiiri gelin lahaa fursadaha ganacsiga. Wasiirka ayaa uga mahadceliyey dowladda UAE u gurmadka qaar ka mid ah dadkii ku dhaawacmay qaraxii Central Hotel oo weli lagu dhabiibayo dhaawacyadooda dalka UAE. Labada mas’uul ayaa ka wada hadlay sidii loo sii xoojin lahaa xiriirka iyo wadashaqeynta dhan walba ah leh.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...