Somaliland: Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Oo Warqad Is-casilaada U Gudbiyay Madaxwayne Muuse Biixi

Date:

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Debedda Somaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) ayaa warqad iscasilaada u gudbiyay Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi.

Ma jiro war rasmiya oo ka soo baxay dhinaca xukuumadda Somaliland, hase yeeshee Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay oo Warbaahintu heshay ayaa xaqiijiyay in Wasiir Faratoon oo shalay ka soo degay Madaarka Hargeysa, kadib markii uu ka soo laabtay wada-hadalkii Fashilmay ee Somaliland iyo Soomaaliya ku ballansanaayeen inuu ka dhaco Nairobi uu warqad iscasilaada u gudbiyay Madaxweyne Muuse Biixi.

Warku wuxuu intaa ku daray In iscasilaada Wasiirka Arrimaha Debedda Somaliland salka ku hayso canaan xoog badan oo uga tumi Madaxweynaha Somaliland oo ka biyo diiday kulan uu Wasiirku Nairobi kula yeeshay Wasiirrada ka soo jeeda beeshiisa ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Lama saadaalin karo in Madaxweyne Muuse Biixi ka aqbalo iscasilaada iyo in loo diro ergo lad-qabaysa.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Time to Temper Response to Ethiopia and Somaliland

The crisis in bilateral relations between Somalia and Ethiopia...

Al-Shabab captures UN helicopter in central Somalia

Several passengers reportedly taken by the armed group after...

It is Time for the World to Recognize Somaliland

omaliland has been on a charm offensive for three...