Syria: Isbaheysi 7 Kooxood oo duulaan xoogan ku qaaday Magaalada Idlib

Date:

Isbaheysi ay sameysteen 7 kooxood oo kamid ah mucaaridka Siiriya ayaa si wadajir ah duulaan Salaasadii shalay ugu qaaday magaalada Idlib ee dalka Siiriya.

Qorshaha kooxahan ayaa ah in ay la wareegaan magaalada Idlib oo ah caasimada gobalka Idlib. Mucaaridka ayaa horey gacanta ugu hayey in badan oo kamid ah gobalkaasi, waxayna hada doonayaan inay gacanta ku dhigaan caasimada gobalka.

Isbaheysigan ay sameysteen 7 kooxood ayaa loo bixiyey Al Fattax Army, waxaana xulafo ku ah kooxaha ay kamid yihiin, Jabhatul Nusra, Axrarul Shaam, Jundul Aqsaa, Jaysh Al Sunna, Faynad Al Sham, Ajnad Al Sham iyo Liwa Al Xaq.

Dagaalkan ayaa waxaa ka dhashay khasaaro xoogleh oo labada dhinac soo gaaray, kooxahan ayey u suurto gashay inay gudaha usoo galaan magaalada Idlib oo ay difaac adag uga jireen ciidamada Bashaar Al Assad.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...