Kulamo ay yeesheen ganacsato waaweyn oo Soomaaliya ah kana dhan ah Somaliland

Date:

Sida aad ku aragteen baraha bulshada, waxa jira kulamo ay yeesheen siyaasiyiin waaweyn iyo ganacsato ka soo jeedda Soomaaliya kuwaas oo lagu go’aamiyay in la ballaadhiyo ololoha ka dhanka ah Somaliland iyo ganacsiga ay leeyihiin dadka reer Somaliland. Tan ayaa ujeeddadeedu tahay in lagu handado ganacsatada Somaliland si ay uga qaybqaataan faafinta wararka been abuurka ah ee la doonayo dadka reer Somaliland in la isaga horkeeno. Waxa ku fillaan waayey dhallinyaradii lacagaha la siinayey ee lagu shaqeysanayey.

Shirkadaha la bartilmaameedsaday waxaa ka mid ah WorldRemit, taas oo ay kooxdani ku baaqeen in la joojiyo isticmaalkeeda gebi-ahaanba. Tan iyo shalay, boggayga Facebook waxaa weerar ku hayay koox abaabulan oo hawshan aad mooddo in loo soo kiraystay. Waxaan doonayaa in la ogaado in lacagaha shirkaddayadu u dirto Soomaaliya ay yihiin wax ka yar 0.3%. Xitaa haddii dhammaan ganacsigeygu uu ku tiirsanaan lahaa Soomaaliya, marnaba maan beddeleen aragtiyadeyda iyo waxa aan u arko in ay yihiin danaha ummadda reer Somaliland.

Waa wax laga xumaado in siyaasiyiin iyo ganacsato ku andacoonaya in ay doonayaan midnimo Soomaaliyeed in ay ku kacaan falalka caynkan ah. Ganacsiga Soomaalidu waxa uu jiray waqtiyadii ugu adkaa ee ay socdeen dagaalladu. Waxan maanta soocdaa se waa arrin ugub ah oo reebi doonta cawaaqib xumo.

Xigasho:Ismail Ahmed

 

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Time to Temper Response to Ethiopia and Somaliland

The crisis in bilateral relations between Somalia and Ethiopia...

Al-Shabab captures UN helicopter in central Somalia

Several passengers reportedly taken by the armed group after...

It is Time for the World to Recognize Somaliland

omaliland has been on a charm offensive for three...