FIKIR IYO TALO MUWAADIN

Date:

Dadkayga reer SOMALILANDOOW “Dadka Somalida ah ee Aduunka dacaladiisa ku kala nool iyo kuwa shacabka ah ee mandaqada #HoA aan ku wada nool nahay #anigu ma qabo in ay Cadawga SOMALILAND yihiin” cida ay SOMALILAND is hayaan waa Siyaasiyiinta Koonfureed iyo inta ku xeeran. Reer SOMALILAND ha ka fogaadaan erayada u muuqan kara in SOMALILAND iyo umada Soomaaliyeed colaad ka dhaxayso; taas waa arinta dib u sii ridi karta Aqoonsiga caalamiga ah.

“ Reer SOMALILAND ha ka foojignaadaan in aan laga jeedin danta dalkooda iyo dadkooda oo ku qotoma 👇

1) Somaliland aan cid duulimaad ku ahayn.

2) Somaliland oo aan nacayb u qabin umada Shacabka ah ee Somaliyeed.

3) SOMALILAND difaacata xuduudaheeda, aayaheedana xor u ah.

4) SOMALILAND khilaafyada dhexdeeda ku dhamaysata wada hadal iyo isku tanaasuul.

5) SOMALILAND ku adag, ilaashata, kana tashata si wada jir ah kheyraadkeeda dabiiciga ah ee ilaahay siiyay.

6) SOMALILAND kula nool nabad, wanaag iyo is af-garad dawladaha ay deriska yihiin.

7) SOMALILAND tixgelisa rabitaanka umada shicibka ah, si daah-furana u wada shaqaysa HALDOORKA, EHLU DIINKA, DHALINYARTA, iyo DHAMAAN BULSHADA REER SOMALILAND.

8 )Siyaasada arimaha dibada ee SOMALILAND iib geysaa waa dawlad wanaageena dalka gudihiisa. Tamarteena, Aduunkeena iyo Adinkeenuba ha la geliyo sidii aan u hagaajin lahayn arimaha Dawladnimo ee gudaheena.

9) Bulshada ama tirada umadeenu ma badna, kheyraadka iyo fursadaha dhaqaaalena way jiraan. Furaha deganaanteenu waa Bulshooyinka ( Constituency yada) Reer SOMALILAND oo dareema in ay dhib iyo dheef ba si siman u wadaagaan dhamaan umadaha dega dalka Somaliland.

10) Dawladu xaq bay u leedahay in ay umada soo hor dhigto wixii ay u aragto in umada masiirkeeda, nabad-gelyadeeda, iyo jiritaankeeda dan ugu jirto, waana sax in ay ku qanciso umada wixii ay u aragto Dan Qaran. Balse inagu waxan la mid nahay Umadaha arimaha masiiriga ah talo wadaag ka yeesha, xitaa hadii ay adag tahay sidii talo wadaag looga yeelan lahaa. Waxa aan umada iyo dawlada ku boorinayaa in la garawsado in arinta soo korodhay ay tahay arintii ugu weynayd ee Reer SOMALILAND go’aan ka gaadhi lahaayeen ee ku xigta Go’aankii weynaa ee Burco 1991. Hadaba yaan la deg-degin , go golaha iyo doodaha, iyo consultations ku ha bilaabmaan. Munaaqishada , rog-roga iyo talo wadaagu waa waxa keliya ee horseedi kara go’aan la mahadiyo.

Waar ha la xasilo, ha la showro & inaga umad ahaan maxaa inoo dan ah. Waxba igama gelin wax nin kale sheegayo. #Talowadaag

 

W/Q:Awale Shirwa

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Time to Temper Response to Ethiopia and Somaliland

The crisis in bilateral relations between Somalia and Ethiopia...

Al-Shabab captures UN helicopter in central Somalia

Several passengers reportedly taken by the armed group after...

It is Time for the World to Recognize Somaliland

omaliland has been on a charm offensive for three...