Caalamka Iyo Tartanka Joogtada Ah!

Date:

Gabadhii ra’iisalwasaaarah ka ahayd dalka Ingiriiska sanadkii 1982 Miss. Margaret Thatcher aya la weydiiyay wakhtigaasi oo Ingiriisku diyaar u ah weerar uu ku qaado jasiirada Vopcland oo ay isku haysteen dalka Aragantiin, sababta ay wada hadal ugu deyi weyday arinta ee ay u go’aansatay inay dagaal ku qaado. Waxaana ay ku jawaabatay :” Anagu sida carabat noqon maynowax kasta wada hadal ku raadiya”.

Islaantii iyana Ra’iisawal wasaariha Yuhuudda ahayd mudadii u dhaxaysay , 1969- 1974 , oo lagu magacaabi jiray  Golda Meir waxay ka soo jeeday dalka Ruushka gaar ahaan jamhuuriyadda wakhtigan lagu magacaabo Ukrain.  Waxay ahayd islaan adag oo halgankii Yuhuudda dawladda loogu samaynayay qayb weyn ku lahayd. Jagada ra’iisal wasaaraha waxa loo caleemo saaray bishii March 17, 1969.

Isla sanadkaasi Bishii August 21, 1969 , nin Yuhuudi Australian ah oo lagu magacaabi jiray Michael Rohan ayaa Masjidka Aqsa gubay.

Haddaba saxaafadda ayaa weydiisay Islaantaasi maalmihii nolosheeda ugu naxdinta badnaa iyo  kuwii ugu farxadda badnaa?

Gold Meir waxay ku jawaabtay waxa iigu naxdin badanaa maalintii anigoo xafiiska bilo kooban haya la gubay Masjidka, waxaana aan ka naxsanaa waxa ay Carabi samayn doonto maalinta ku xigta!.

Waxaana aan ugu farxad badnaa maalintii ku xigtay markaan ogaaday in aanay Carabi wax halis ahba u arkin gubitaankii masjidka. Waxaana ay Gold Mier dhimatay sanadkii 1978.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Time to Temper Response to Ethiopia and Somaliland

The crisis in bilateral relations between Somalia and Ethiopia...

Al-Shabab captures UN helicopter in central Somalia

Several passengers reportedly taken by the armed group after...

It is Time for the World to Recognize Somaliland

omaliland has been on a charm offensive for three...