Madaxweynaha Somaliland oo Magacaabay Xubnaha Cusub ee Komishanka Xuquuqal Insaanka Qaranka

Date:

Hargeysa-(Dawan):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi,ayaa soo saaray Wareegto u uku  magacaabay Xubnaha Komishanka Xuquuqal Insaanka Qaranka.

Wareegto shalay ka soo baxday xafiiska Madaxweynaha ee magacaabista Xubnaha cusub ee Komishanka Xuquuqul Insaanka Qaranka ayaa u dhignayd sidan:-

Markaan Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland; Markaan Arkay: Xeerka Komishanka Xuquuqul Aadamaha, Xeer Lr. 39/2010; Markaan Helay: Qoraalka Guddida Xulista Xubnaha Komishanka Xuquuqul Aadamaha; Markaan Tixgeliyey:  Ahmiyadda Komishanka Xuquuqul Aadamuhu u leeyahay Dhismaha, Sumcadda iyo Horumarka Qaranka; Waxaan Go’aamiyey;

In laga bilaabo taariikhda maanta aan u magacaabo xubnaha hoos ku xusan in ay noqdaan Xubnaha Komishanka Xuquuqul Insaanka Qaranka:

  1. Maxamed Baaruud Cali Xubin
  2. Maxamed Xasan Caalin Xubin
  3. Mustafe Cali Cismaan Xubin
  4. Baashe Maxamuud Faarax Xubin
  5. Maxamed Jaamac Ibraahin Xubin
  6. Cabdiraxmaan Cismaan Cabdulle Xubin
  7. Muuse Jaamac Cigge Xubin

Wareegtada Madaxweynaha ayaa la raaciyey in xubnahan oo sida sharcigu dhigayo ay soo xuleen Guddida xulista xubnaha Komishanka Xuquuqul Insaanka Qaranka oo madaxweynaha Qaranka u soo gudbiyey 14 xubnood si uu ugala soo baxo madaxweynuhu todobadan xubnood kuna magacaabo wareegto Madaxweyne,  Sidaa darteedna todobada xubnood ee kalena u noqdaan keyd xubnahaa madaxweynuhu ku magacaabay wareegtada.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Time to Temper Response to Ethiopia and Somaliland

The crisis in bilateral relations between Somalia and Ethiopia...

Al-Shabab captures UN helicopter in central Somalia

Several passengers reportedly taken by the armed group after...

It is Time for the World to Recognize Somaliland

omaliland has been on a charm offensive for three...