Wasaaradda Maaliyadda oo Xilalkii u Kala Wareejisay Agaasimeyaal loo Magacaabay Waaxyaha Dakhliga

Date:

Hargeysa (Dawan- Masuuliyiinta wasaaradda horumarinta maaliyadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa xilalkii u kala wareejiyey agaasimeyaal cusub oo loo magacaabay waaxyaha dakhliga Kastamada iyo Cashuuraha Berriga.

Agaasimaha Guud ee Maaliyadda Mr. Maxamed Xuseen (Mu’adinka) oo hadal ka jeediyey munaasibadii xilwareejinta ayaa sheegay in Agaasimahii hore ee Kastamada aan xil-gudasho la’aan loo bedelin balse la nasiyey.

Agaasimahii hore ee Kastamada khalad uu sameeyey xilka loogama qaadin, balse shaqo fiican ayuu qabtay, imikana waa la nasiyey, berrina xil ka muhiimsan ayuu qaban doonaa.

Mr. Mu’adinka ayaa sidoo kale sheegay in agaasimaha cusub ee Kastamadu aanu shaqada ku cusbayn, balse hore waaxyaha dakhliga ka soo shaqeeyey, imikana ku-xigeenka Cashuuraha Berriga ahaa.

Agaasimaha Guud ee Maaliyadda Md. Maxamed ayaa uugu baaqay waaxyaha dakhliga inay wada jir u hawlgalaan sidii qoys.

Munaaisbada ayaa xilalkii loogu kala wareejiyey masuuliyiintii cusbaa ee loo kala magacaabay.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Time to Temper Response to Ethiopia and Somaliland

The crisis in bilateral relations between Somalia and Ethiopia...

Al-Shabab captures UN helicopter in central Somalia

Several passengers reportedly taken by the armed group after...

It is Time for the World to Recognize Somaliland

omaliland has been on a charm offensive for three...