Ciidankii u Horreeyay ee Maktabad Shaqadooda la Xidhiidha Samaystay

Date:

Hargeysa –(Dawan):- Maamulka Maktabada Sahan Books ayaa Maktabada Ciidanka Dab-demiska Qaranka Somaliland guddoonsiiyay Buugaag ka hadlaya Cilmiga Dabdemiska, waxaana ka guddoomay Taliyaha Ciidanka Dabdemiska JSL Sarreeye guuto Axmed Sawaaxili oo uu wehelinayo Xoghayaha guud ee ciidanka Dabdemiska Ibraahim Suldaan Xasan.

Maktabadan ayaa ah tii u horreysay ee nooceeda ah ee Ciidamada Somaliland samaystaan, waxaanay ciidanku ku kasbanayaan aqoon ay ku dabaqi karaan hawlmaalmeedkooda.

Taliyaha ayaa u mahadnaqay Maamulka Maktabada Sahan Books oo had iyo goor garab taagan ciidamada Dabdemiska iyagoo u sameeyay ciidanka Maktabadan Akhriska.

Sidoo kale buugaagtan ayaa ku saabsan cilmiga iyo aqoonta dabdemiska ayaa wax badan ku soo kordhin doonta ciidamada Dabdemis ka.

Ugu dambayn ciidamada Dab-demiska ayaa wakhtiyada hawlgalada lagu jiro maahee, wakhtiga kale had iyo goor wakhti ku qaata waxna ku akhrista maktabada, sidoo kalena sameeya aqoon is waydaarsiyo iyo kala faaideysi.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Time to Temper Response to Ethiopia and Somaliland

The crisis in bilateral relations between Somalia and Ethiopia...

Al-Shabab captures UN helicopter in central Somalia

Several passengers reportedly taken by the armed group after...

It is Time for the World to Recognize Somaliland

omaliland has been on a charm offensive for three...