FAALLO: Su’aalo Ku Gedaaman Isku Shaandhaynta

Date:

FAALLO: Su’aalo Ku Gedaaman Isku Shaandhayntii Uu Sameeyay Madaxweyne Biixi (Madaxweynuhu Cidla Ayuu Taagan Yahay)?

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa dhammadka toddobaadkii hore waxa uu isku la sii saadaalinayay ku sameeyay xukuumaddiisa.

Isku shaandhayntan oo ah tii ugu ballaadhnayd ee uu sameeyo tan iyo intii uu xilka qabtay ayaa haddana waxa isbedelay qaabkii la filayay inay noqoto iyada oo dad badan ay saadaalinayeen in madaxweyne Biixi uu samayn doono isku shaandhayn uu ugu diyaar garoobaya ololaha doorashada madaxtooyadda ee mudaysan sannadkan inagu soo waajahan ee 2022-ka.

Saddexdii maalmood ee ugu dambeeyay ayaa dadka faalleeya arrimaha siyaasadda ee baraha bulshada wax ku qora waxa ay siyaabo kala duwan uga hadlayeen isku shaandhaynta madaxweynaha iyada oo intooda badan ay ku tilmaamayeen mid saamaynteedu ay yar tahay.

Haddaba sidee ay u dhacday isku shaandhaynta Madaxweynuhu, waxa ay tusaaleyaal dhawr ah ka soo qaadan doonaa masuuliyiinta uu Madaxweynuhu magacaabay iyo kuwa uu xilka qaaday.

  1. Madaxweynuhu dadka uu magacaabay waxa ka mid ahaa 4 murrashax oo ku guul-darraystay doorashadii isku sidkanayd ee sannadkan ka dhacday Somaliland, taas oo dad badan u arkaan in aanay waxba ka tarayn tartanka dambe oo doorashada Madaxtooyadda.
  2. Masuuliyiinta uu Madaxweynuhu caydhiyay waxa ka mid ahaa masuuliyiin lagu xaman jiray inay wakiillo u yihiin ganacsato iyo shirkado waaweyn, kuwaas oo la sheegay inay u dhaxayn jireen xukuumadda Madaxweyne Biixi iyo ganacsada dhan kasta ay hawlaha ka fudaydin jireen, taas oo lagu macneeyay inay isaseegi doonaan Madaxweynaha iyo ganacsatadu.

  3. Dadka qaar ayaa sheegaya in Madaxweynuhu uu indhaha ka laliyay in uu xilal xukuumaddiisa uga magacaabo beelo cod uga heli lahaa tartanka uu mar labaad u geli doono doorashada Madaxweynaha.

  4. Madaxweynuhu waxa uu xilka wasiirka ku-xigeenka arrimaha dibadda u magacaabay Amb Baashe Cawil ahaa wakiilka Somaliland u fadhiyay dalka Kenya oo dad badan ay u saadaalinayeen in loo magacaabi doono wasiir buuxa iyada oo loo arkayay nin muhiim ah ololaha doorashada Madaxtooyadda ee sannadkan dambe, Baashe Cawil ayaa waxa uu ka mid ah qoyska Madaxweynihii hore ee Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo saamayn weyn ku leh siyaasada dalka, balse arrinta xusida mudan ayaa ah in laba maalmood ka uu Baashe Cawil iska casilay xilkii uu magacaabay Madaxweyne Muuse Biixi.

  5. Arrinta layaab leh ee ay dadku baraha bulshada aad ugu hadal hayaan ayaa waxa ay tahay in madaxweyne Muuse Biixi uu xilkii uu iska casilay Baashe Cawil ee ahaa wasiir ku-xigeenka arrimaha dibadda uu u magacaabay masuul uu 3 cisho ka hor caydhiyay oo ku magacownaa wasiir ku-xigeenka wasaaradda warfaafinta, iyada oo dadka qaar taa ku macneeyeen in jahwareer la soo darsay madaxweyne Biixi iyo in madaxweynuhu uu cidla taagan oo uu waayay cid uu u magacaabo xilka uu diiday Baashe Cawil.

  6. Madaxweynuhu waxa uu meesha ka saaray culimadda ictisaamka oo dhaqaale badan iyo ganacsi badan gacanta ku haya kana mid ahaa tiirarka xukuumadii ee hore Madaxweyne Siilaanyo oo ay xaalado badan kala soo dabaasheen.

  7. Madaxweyne Biixi oo la filayay in uu cashar ka barto doorashadii sida weyn loogaga adkaaday ee wakiillada iyo deegaanka oo ay dadku saadaalinayeen in uu soo dhiso doono xukuumad saamaynteeda leh ayaa la sheegaya inay fashil ku soo dhammaatay.

W/Q Xamse Maxamed Iimaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Time to Temper Response to Ethiopia and Somaliland

The crisis in bilateral relations between Somalia and Ethiopia...

Al-Shabab captures UN helicopter in central Somalia

Several passengers reportedly taken by the armed group after...

It is Time for the World to Recognize Somaliland

omaliland has been on a charm offensive for three...