Qofka Wanaagsani Xumaanta Ma Faafiyo!

Date:

Nin faylasuuf oo hor fadhiya gurgiis ayaa nin raadinaya guri  uu kiraysto waydiiyay in wax guri ah ka banaan yahay  xaafadaha jaarkiisa, si uu u kiraysto. Faylasuufka ayaa weydiiyay  “Maxaad uga soo guuraysaa xaafadda aad degan tahay”? Ninkii ayaa ku jawaabay :” Waa xaafad jaar xun oo meel la degi karo maaha”.  Faylasuufkiina wuxu ugu jawaabay haddaba xaafaddana way ka sii xuntahay ee iska jog”.

 

Haddana isagoo weli  halkii fadhiya ayuu nin labaad oo isaguna guri raadinayaa soo maray waxaana uu waydiiyay sababta uu uga soo guurayo meesha uu degan yahay Ninka ayaa ugu jawaabay waxa degan dad wanaagsan oo jaar fiican leh laakiin gurigii ayay dadkii lahaa u baahdeen waana taasi sababta aan usoo guuraya. Faylsuufkiina waxa uu ugu jawaabay kuwa halkan degenina way ka sii fiican yihiin ee soo guur.

Nin ay saaxiib ahaayeen faylasuufka oo ag fadhiyay ayaa waydiyay sababta uu labada nin midna u eryay midna usoo dhoweeyay waxaa uu u ugu jawaabay.

“ Qofka xumi abaalkiisa ayaa hela, markaa isagaa xun dadkaasi xun haku xidhnaado, yaanu xumaantiisa dadka kale soo gaadhsiin “ .

Qofka wanaagsani ma sheegixumaanta dadka kale.

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Time to Temper Response to Ethiopia and Somaliland

The crisis in bilateral relations between Somalia and Ethiopia...

Al-Shabab captures UN helicopter in central Somalia

Several passengers reportedly taken by the armed group after...

It is Time for the World to Recognize Somaliland

omaliland has been on a charm offensive for three...