“Waxaanu Isku Raacsannahay in Nabada Laga Shaqeeyo”

Date:

Gar’adag (Dawan) Guddoomiye ku xigeenka kowaad ee Golaha Wakiillada JSL, Siciid Faarax Mire Giire oo ka Hadley ahmiyada ay nabadgelyaddu u leedahay bulshada Somaliland ayaa sheegay kaliya in kursiga lagu helayo nabadgelyo, balse aan cidna ku helayn qori iyo dagaal, waxaanu xusay in nabadgelyadu bud-dhig u tahay doonista iyo rabitaan cid kasta oo raba inuu meel gaadho.

Siciid Faarax Mirr Giire ayaa sidan ka sheegay hadal uu ka jeediyay munaasibadda furitaanka Jamaacadda Gar’adag ee IBU, waxa uu bulshada ku booriyay inay nabada ilaashadaan melena uga soo wada jeestaan, waxaanu sheegay in kuwa ku fadhiya ee haya xilalku ay ku fadhiyaan nabada,kuwa raba inay ku fadhiistaan kuraastana ay ku gaadhayaan nabagalyo kaliya.

Gudoomiyaha ayaa bulshada ugu baaqay inay qalinka qaataan oo ay qoriga ka fogaadaan si loo gaadho horumar waara dalka iyo dadkana wax u tara. Waxaanu yidhi “Waxaanu isku raacsannahay in nabada laga shaqeeyo nabada, ninka kursiga doonayaa nabad buu ku helayaa, ka fadhiyaana xoog kuma haysan karo oo nabad buu kaga tagayaa, kuwa soo socdaana nabad bay ku doonayaan, kuwayaga kuraasta fadhiyaa nabad bay wax ku noqonayaan.

Ma aaminsani in nin talo macquul ah oo wax ku ool ah uu ku talinayo qori ha la qaato oo qori baan ku gaadhayaa kursiga, Cabdiraxmaana ragii xalka ku jiray baan ahayoo laba jeer baanu la kulanay, uma tuhmayo inuu leeyahay isagu qori qaata oo dadka laaya, laakiin wuxu noo balan qaaday inuu arrintaasi nagala shaqaynayo waxaan ka codsanayaa in doorashadda la galo oo lagu dhiirado arrintaasi aad bay muhiim u tahay”

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Time to Temper Response to Ethiopia and Somaliland

The crisis in bilateral relations between Somalia and Ethiopia...

Al-Shabab captures UN helicopter in central Somalia

Several passengers reportedly taken by the armed group after...

It is Time for the World to Recognize Somaliland

omaliland has been on a charm offensive for three...