Ha Niyad Jabin, Fursaduhu Waa Joogto!

Date:

Dyslexia, waa xanuun ku dhaca caruurta inkasta oo la sheegay in tiro yar uu ku dhaco, qiyaas ahaa caalamka oo dhan waxa la cadeeyay in 100 ah caruurba uu asiibo 5% keliya.  Xanuunka ayaa ah mid la xidhiidh fahamka caruurta ee waxbarashada, dhowaaqa erayada, qoraalka iyo akhriskaba.

Marka aad ogaato in ilmaha yari ay ku adag tahay fahamka casharka, qoraalka iyo akhriska , maaha inuu maskaxdiisu hoosayso,  laakiin wuxu u baahan yahay in qaab gaar ah wax loogu dhigo.

In aanu ilamhaasi ahayn mid damiin ah oo aan waxba fahamyn isla markaana maskax xun waxa cadeeyay Maalqabeenka Sir Richard  Charles oo uu dhashay dalka Ingiriiska oo ah ninka asaasay shirkadda Virgin Atlantic ee dayuuradah oo maanta ka mid ah, shirkadaha ugu weyn duulimaadka caalamka.

Sir Richard  ayaa sheegay in uu ah mid ay ku adag tahay fahamka, dhowaaqa, qoraalka iyo akhriska casharada dugsiga isagoo sheegay in uu xata dhici jiray imtixaanka.

Macalimiinta iyo ardayda ayaa ku dhaleecayn jiray inuu yahay damiin aan waxba fahmin iyo in uu dugsiga iskaga baxo inta aanu wakhtigu ka dhicin madaama aanu ahayn qof waxbarashada maskax u leh.

Waxaana uu  sheegay inuu markii uu gaadhay da’da 15 sano uu iskaga baxay dugsiga markii uu adkaysan waayay dhaleecaynta faraha badan oo ku keentay niyad jab xad dhaaf ah, madaama inta badan uu dhacayay imtixaanka. Xataa macalimiinta ayaa u yaqaanay ardayga ugu saaqidsan dugsiga.  Laakiin markii uu ka hadhay waxbarashadii , sanadkii ku xigayba waxa uu sameyay wargeysa arrimaha ardayda ka faalooda, muddo yar ka dibna wuxu abuuray dukaan lagu iibiyo cajaladaha.

Dukaankasi aya ah goobta uu ka curiyay shirkadaha kala duwan ee maanta hantidiisa noqoday.  Noloshu waa buug weyn, haddii aad bog ama qayb ka mid ahi aad fahmi weydo maaha inay sidaasi wada tahay.   Richarad oo sanadkan da’diisu gaadhay 73 sano waxa dunida ku leeyahay 400 shirkadood oo kala duwan. Waxaana hantidiisa sanadkan 2023, lagu qiyaasay 2.9 billion doller., waxaana uu ka  mid noqday maalqabeenada dunida ee caanka ah.

Noloshu waa halgan lagu guulaysto hadba dhinaca adigu ku wanaagsan tahay ma jirto in aad qayb kastaa aan waxba ka qabin Karin.   Waxaana uu yidhi mar uu dhiirgelinaya dadka ganacsiga ku jirta “Fursadaha ganacsigu waa sida basaska oo kale. Had iyo jeer waxaad helysa mid kale oo soo socda” . Waxaana uu ujeeda in mar kasta ay jirto fursad muhiim.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Time to Temper Response to Ethiopia and Somaliland

The crisis in bilateral relations between Somalia and Ethiopia...

Al-Shabab captures UN helicopter in central Somalia

Several passengers reportedly taken by the armed group after...

It is Time for the World to Recognize Somaliland

omaliland has been on a charm offensive for three...