Wasaaradda Biyaha oo Gobolka Togdheer Biyo xidheeno ka Dhagax-dhigtay

Date:

 

Burco (Dawan) Wasaarada horumarinta khayraadka biyaha Somaliland ayaa biyo xidheeno ka dhagax dhigtay deegaanada Wisil, Ceel-dheere iyo Wadhan ee gobolka Togdheer.

Agaasimaha waaxda baliyada iyo dhaaamamka ee wasaaradda horumarinta khayraadka biyaha Somaliland Eng. Cabdiraxmaan Baashe Muruq-liqe oo deegaanadda Wisil, Ceel-dheere iyo Wadhan ka dhagax biyo xidheeno loogu galo inay dadka deegaanaddaasi ku dhaqan ka faa’iidaystaan ayaa ku dheeraaday amniyada dhaamamkaasi bulshada u leeyihiin, waxaanu sheegay dhaamankaasi qayb weyn ka qaadanayaan yareynta baahida biyaha deegaanadaasi ka jirta.

Eng. Cabdiraxmaan Baashe agaasiamaha waaxda baliyada ee wasaaradda horumarinta biyuhu waxa kale oo uu xusay in dhamaamkaas loogu galay in lagu qabto biyaha roobka ee dhulka dul carara xili roobaadka, waxaanu agaasimuhu xusay inay wasaaradda khayraadka biyaha ka go’an tahay ka faa’iidaysiga biyaha roobka.

Gabagabadii odaayasha iyo waxgaradka deegaanadda Wisil, Ceel-dheere iyo Wadhan ayaa wasaaradda horumarinta khayraadka biyaha iyo Safe the Children oo iska kaashanaya maashaariicda dhaamamkaasi uga mahadceliyey inay deegaanaddaasi ka hirgeliyaan dhaam biyoodyo bulshada waxtar u leh.

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Time to Temper Response to Ethiopia and Somaliland

The crisis in bilateral relations between Somalia and Ethiopia...

Al-Shabab captures UN helicopter in central Somalia

Several passengers reportedly taken by the armed group after...

It is Time for the World to Recognize Somaliland

omaliland has been on a charm offensive for three...