Golaha Guurtida Somaliland oo ka Hadlay Hannaanka Garsoorka Dalka

Date:

Hargeysa (Dawan) Munanayaasha golaha guurtida Somaliland,ayaa ka hadlay hannaanka Garsoorka alka isla markaaa saluugey hannaanka garsoorka iyo cadaaladeed ee dalka, waxaanay sheegeen in dhibta ugu weyn ee haysata maxkamaddaha dalka in ay tahay fulin la’aanta go’aamada.

Sidoo kale waxa ay soo jeediyeen in meesha laga saaro qodobka dib u eegista oo ay sheegeen in uu dhibaato ku yahay dadkii sugayay go’aamada Maxkamaddaha, waxaanay intaas ku dareen in kiisas go’aamadooda loogu dhawaaqay qodobka dib u eegistu caqabad ku yahay.

Xildhibaan Cabdikariim Furre ayaa sheegay in jahwareer badani ka jiro maxkamaddaha dalka iyo waaxyaha garsoorka iyo cadaaladda, waxaanu farta ku fiiqay in mararka qaar aad maxkamaddihi kala kulmeysid dhacdooyin kaa ilmaysiiya.

Mudanayaashu waxa ay sidan ka sheegeen fadhigii shalay ee golaha guurtida oo uu shir-guddoominayay guddoomiyaha golaha guurtida Mudane Saleebaan Maxamuud Aadan, oo ay mudanayaashu markii fadhigu furmay ay guda galeen dooda qodobka Garsoorka iyo cadaalada.

Xildhibaan Ismaaciil Suldaan Cabdiraxmaan Sheekh Muxumed ayaa sheegay in dhibaatada ugu weyn ee haysata maxkamaddaha dalka ay yihiin fulin la’aan, waxaanu xusay in mararka qaar dacwadaha qaar aanay dhammaanba isla markaana ay gaadhaan 20 sano dhibna ay ku tahay bulshadii.

Waxaanu yidhi. “Dhibaatada ugu weyn ee haysata maxkamaddaheena waa fulin la’aan, go’aankii ay gaadheen oo aan la fulinayn, dacwadii oo aan dhammaameyn, 20 sano soconaysa, bulshadii ku dhiban tahay, kii daalinka ahaa iyo kii madluunka ahaaba wax isdaba soconayaan.

Marka ama baadil ha xukumeen ama xaq ha xukumeene waxa dadka u fudud, in xukunkani ka dhammaado.

Waxaan soojeedinaya in tababaro diimeed loo fidiyo danbi-baadhayaasha, ahna meelaha kiisku ka soo bilaabmayo, ama uu ka qaldamayo ama uu ka saxmayo,”

Xildhibaan Cabdikariim Furre ayaa sheegay in jahwareer badani ka jiro maxkamaddaha dalka iyo waaxyaha garsoorka iyo cadaaladda, waxaanu farta ku fiiqay in mararka qaar aad maxkamaddihi kala kulmeysid dhacdooyin kaa ilmaysiiya.

Waxaanu yidhi. “Wareerka iyo jahawareerka ka jira maxkamaddaha waynu arkaynaa, waxyaabo marka aad aragto damiirkaagu isbeddelayo ayaad arkaysaa, Islaan weyn oo Ayeeyo ah oo 15 sano maxkamaddaha hortooda kabahu kaga dhammaadeen, oo duruufaysan, oo madluuna oo haddii ay gacmaha kor u taagto ILLAAHEY ka aqbalayo, sidaasi darted daalinkii iyo madluunkii ayaa iska keen dhexgalay”

Xildhibaan Axmed Nuur Aw Cali Aadan, ayaa soo jeediyay in meesha laga soo saaro Qodobka dib-u-eegisa, waxaanu tilmaamay in uu dhib ku yahay bulshadii.

Waxaanu yidhi. “Marka guddidii maxkamaddu u saartay kiisaska ay soo saaraan go’aanka waxa dhacaysa in dib-u-eegis laga qaato, maxkamad sarre oo dib-u-eegis laga qaadanayaana waa dhibaato, waxaan soo jeedinaya qodobka dib-u-eegista halaga saaro maxkamaddaha”

Xildhibaan Mustafe Ibraahin Ciise Aw Buux, ayaa sheegay haddii bulshadu ay weydo cadaalad iyo kalsooni in ay gacmaha isulatagayaan.

Waxaanu yidhi.“Bulshadu haddii ay weydo cadaalad iyo kalsooni ay ku qabto garsoorka waxa dhacaysa in bulshadu gacmaha ku qaataan sharcigii, taasina ay sababto in bulshadii iyo dowladdnimadii iska horyimaadaan, dil uu dhaco, dhac uu dhaco, burbur uu dhaco, marka gasroorku waa dhidibada u weyn ee bulshada isku haya”

Xildhibaan Cilmi Cabdillaahi Xasan ayaa sheegay in maxkamaddaha dalka ay ka maqan tahay fulintii.

Waxaanu yidhi.“Maxkamaddaheena fulintii ayaa ka maqan waxa laga yaaba arrin soo dhammaatay in fulinteedii la yidhaahdo, berri soo noqo, saha danbe soo noqo marka waxa weeyi xagga fulinta ayay wax ka dhiman yihiin”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Time to Temper Response to Ethiopia and Somaliland

The crisis in bilateral relations between Somalia and Ethiopia...

Al-Shabab captures UN helicopter in central Somalia

Several passengers reportedly taken by the armed group after...

It is Time for the World to Recognize Somaliland

omaliland has been on a charm offensive for three...