“Somaliland Taayiro Badan ayay Rogtay oo ay Waday 33-kii Sannadood ee u Danbeeyay’’ Wasiirka Warfaafinta

Date:

Hargaysa (Dawan) Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Wacyigalinta Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Saleebaan Yuusuf Cali Koore ayaa ka warbixiyay maraaxilkii kala duwanaa ee ay Somaliland soo martay taasi oo uu ka mid ahaa dadkii ka soo shaqaynayay muddo ku siman 33 sanadood, una soo joogay wakhtiyadii kala duwanaa ee uu qaranku soo maray.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Wacigalinta Saomaliland Sabeebaan Yusuf Cali Koore ayaa ku dheeraaday isbedaladii iyo taariikhihii kala duwanaa ee ay soo martay dawaladnimada Somaliland isaga oo ka hadlayay munaasibad xadhiga lagaga jarayay Rugta Akhriska Hargaysa ayaa waxa uu sidoo kale ka hadlay dhismaha ciidanka Qaranka Somaliland iyo maraaxilkii kala duwanaa ee ay soo mareeen.

Wasiir Koore ayaa sidoo kale ka xog waramay kaalinta uu ka soo qaatay horumarka iyo dawladnimada Somaliland oo uu mudo badan u soo shaqaynayay, taasi oo uu la soo maray dhib iyo dheefba, waxaanu sheegay in ragii ay mudada badan ka soo wada shaqeeyeen bilawga iyo dhismaha dawlada aanay badankoodii noolayn.

Wasiirka Wafaafinta ayaa sidoo kale ka hadlay Ciidanka Qaranka iyo arrimaha gobolka Sool ee sugida xadka Somaliland

waxaanu yidhi ‘’ Mararka qaarkood siyaasadu waa ay keentaa kacaa kuF, ciidamada Somaliland gobolka Sool waa markii sadexaad, waa laga yaabaa in ay kala saamayn badato laakiin siyaaba badan bay u soo martay aniga oo goob jog ah ama rag badan oo dalka joogaa ay goob jog ahaayeen, inay ciidamadu siyaabo kala gadisan uga soo baxeen gobolka Sool marar danbena ay dib ugu noqdeen.

Marka u horeysa waa in aynu fahamnaa in aan ciidamadeena laga awood badnaan, anigu askari baan ahayn intaan ka garanayo, laakiin ciidamadeena sida aan anigu qaybo aniga oo aan cidna waxba waydiin warbixina qabin, waxaa uu ka dhacay khalad dhexdooda ah ee ciidan laga awood waynaaday inuu jiro ma qabo.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Wacigalinta Saomaliland Sabeebaan Yusuf Cali Koore ayaa waxa uu ka waramay mudadii 33-ka sanadood ahayd ee u Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland u soo shaqaynayay sida nabadayntii, dib u heshiisiintii beelaha iyo horumarka dalka

waxaanu yidhi ‘’Ka halkan jooga ee reer hebel igu eega iyo ka halkaasi jooga oo reer hebel ii yaqaana labaduba way iga khaldan yihiin, waxaan ahay muwaadin Somalilander ah oo dalka u shaqeeyay 33 sanadood.

Go,aanka u danbeeyaaa waxa weeye qofkii iga doona inuu cid igu tiriyaa waa qof igu hungoobay, waxaan ahay Somalilander’’.

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Time to Temper Response to Ethiopia and Somaliland

The crisis in bilateral relations between Somalia and Ethiopia...

Al-Shabab captures UN helicopter in central Somalia

Several passengers reportedly taken by the armed group after...

It is Time for the World to Recognize Somaliland

omaliland has been on a charm offensive for three...