Madaxweynaha oo Xadhigga ka Jaray Haamaha Keydka Shidaalka ee Dahabshiil Mashruuc Kalena Ka Dhagax Dhigay Berbera

Date:

 

“Xukuumad ahaan Waxaanu ku Dedaalaynaa in Ganacsatada iyo Dawladdu ay Gacmaha Is-qabsadaan”

Berbera (Dawan)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo isaga iyo wefti uu hoggaaminayaa safar shaqo ku joogaan magaalada Berbera, ayaa shalay si rasmi ah xadhigga uga jaray Keydka Haamaha shidaalka ee shirkadda DAHABHIIL ka hirgelisay magaalada Berbera, isaga oo sidoo kale dhagax-dhigay keydka cusub oo lagu keydin doono Gaasta.

Munaasibadda xadhig-ka-jarista iyo dhagax-dhigga oo ay madaxweynaha kala qaybgaleen xubno kamid ah golaha wasiirrada, madaxda shirkadda Dahabshiil, madaxda gobolka Saaxil iyo degmada Berbera iyo marti-sharaf kale, ayaa laga jeediyey hadallo loogu mahadnaqayo shirkadda Dahabshiil, laguna bogaadinayo kaalinta xukuumaddu ka qaadatay fududaynta iyo hirgelinta hawsha.

Maamulaha shirkadda Dahabshiil, Mudane Cabdirashiid Maxamed Siciid oo munaasibadda daah-furay, ayaa ku dheeraaday mashruucan ballaadhan ee ay shirkaddu maalgashatay iyo sida uu wax uga tarayo in dekedda Berbera noqoto marin muhiim u ah guud ahaanba gobolka Geeska Afrika.

Ismaaciil Cabdi Xasan (Caga-weyne) oo kamid ah ganacsatada waaweyn ee dalka, ayaa isaguna bogaadiyey maalgashiga ballaadhan ee shirkaddu ku maalgashatay keydka shidaalka ee Berbera iyo meelo badan oo dalka kamid ahba.

Mulkiilaha shirkadda Dahabshiil, Mudane Maxamed Siciid Ducaale, ayaa isaguna hoosta ka xarriiqay inay shirkad ahaan maaliyad badan geliyeen sidii uu mashruucani u hirgeli lahaa, waxana uu madaxweynaha ugaga mahadnaqay sidii uu u dhiirrigeliyo ganacsatada doonaysa inay dalkooda maalgashadaan.

Wasiirrada wasaaradaha horumarinta Maaliyadda, Dr. Sacad Cali Shire iyo Ganacsiga, Mudane Maxamed Xasan Sacad (Saajin) oo halkaas ka hadlay, ayaa iyaguna dhankooda soo dhaweeyey mashruucan ay shirkadda Dahabshiil ku maalgashatay Haamaha Shidaalka ee Berbera, waxana ay tilmaameen inay ka xukuumad ahaan diyaar u yihiin ilaalinta hantida muwaadiniintu dalka ku gashatay.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo hadal kooban ka jeediyey munaasibadda, ayaa shirkadda Dahabshiil ku bogaadiyey dedaalka ay ugu jirto inay dalka ka hirgeliso mashaariic waaweyn oo midho-dhal ah, soona kordhiyaan hal-abuur iyo curinta hawlo cusub.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu sheegay inay ka xukuumad ahaan ka go’an tahay sidii xukuumadda iyo ganacsatadu isula jaanqaadi lahaayeen, si wada-jir loogu jihaysto horumar, waxana uu yidhi, “Xukuumad ahaan laba ayaanu ku dedaalaynaa, ganacsatada iyo dawladdu inay gacmaha is qabsadaan, dawladduna socon mayso haddaanay ganacsatada garbaha haysan, dawladduna socon mayso, dalkana waxaynu u haynaa awooddii sharciyeed iyo dhaqaalihii, haddaanay labadaasi wada soconna socon maynno, labadaasna waanu isu keenaynaa.”

Ugu dambayntii, madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu bulshada ugu baaqay inay waqti badan geliyaan sidii ay ula soo bixi lahaayeen quutal daruuriga lama huraanka u ah noloshooda, soona yareeyaan ku tiirsanaanta cuntada dibadda.

 

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Time to Temper Response to Ethiopia and Somaliland

The crisis in bilateral relations between Somalia and Ethiopia...

Al-Shabab captures UN helicopter in central Somalia

Several passengers reportedly taken by the armed group after...

It is Time for the World to Recognize Somaliland

omaliland has been on a charm offensive for three...