Gudoomiyaha Nabadgelyada Degmada Maxamuud Haybe oo Bulshada Fariin U Diray

Date:

Dawan (Hargaysa) Gudoomiyaha Nabadgelyada Degmada Maxamuud Haybe ee Magaaladda Hargaysa Barre Maxamuud Yuusuf oo si gaar a ugu warmayay warbaahinta Dawan ayaa waxa uu bulshada ku nool Degmada Maxamuud Haybe ugu baaqay inay ilaashadaan nabada iyo xasiloonid, oo aanay ku qayb qaadan goolaaftanka siyaasadeed ee dalka ka jira.

Sidoo kale Gudoomiyaha nabadgelyada Degmada Maxamuud Haybe ayaa shacabka Degmadaasi ku amaanay sida wanaagsan ee ay ugala shaqeeyaan arrimaha nabadgelyada mar kasta oo uu khilaaf dalka ku soo kordho.

Gudoomiyaha ayaa ku adkeeyay bulshada Degmada Maxamuud Haybe ilaalinta wadooyinka iyo bilicdooda, waxaanu xasuusiyay sida dhibta leh ee lagu dhiso jidadka iyo In loo baahan yahay in Degmo kasta ku faro adaygto sidii ay u ilaanshan lahaayeen wadooyinkooda.

Waxaanu intaa raaciyay in nabad gelyadu tahay waxa suura gelinaya in wax la barto oo ybadka isguul loo diro oo masjidka lagu cibaadaysto oo suuqyada lagu ganacsado.

Waxaa kale oo uu ka hadlay ammaanka guud ee degmada iyo siday bulshada uga wada shaqeeyaan

Waxaanu yidhi “waxan doonayaan in aan dad waynaha ku dhaqan Caasimadda gaar ahaan Degamada Maxamuud Haybe in aan u sheego sidaa wanaagsan ee ay nabadgelyadooda u ilaashadaan inay mar kasta u soo jeedaan oo ay u ilaashadaan, waxa kale oo aan u sheegayaa haddii ay nabadgelyo darro dhacdo qofna tukaan ragi mayo, qofna iskuul tagi mayo, qofna Masaajid tagi mayo, qofna seexan mayo.

Waxa kale oo aan aad ugu war-gelinayaan dad waynaha wanaagsan ee sharafta leh ee sida wanaagsan noola shaqeeya ee Degmad ku dhaqan, inay gacan siiyaan Ciidamada Booliiska iyo laamaha ammaanka marka ay ka shaqaynayaan, oo kooxaha liisaskooda xaafad waliba ay iska soo gudbiso,oo aanloo baahnayn koox xaafadda ka dhisan oo dib uga shaqaysa xaafaddii aan loo baahnayn oo talaabo laga qaadi doono.

Inaga ka guddi nabadgelyo ahaan siyaasadu inaga khusayso, Xisbiyo inama xuseeyaan, waxaa ina khusaysa nabadgeyadeena, wadooyinkeena in aynu ilaashano, cidii siyaasadi ka dhaxaysaa iyaga ayay ka dhaxaysaa’’.

 

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Time to Temper Response to Ethiopia and Somaliland

The crisis in bilateral relations between Somalia and Ethiopia...

Al-Shabab captures UN helicopter in central Somalia

Several passengers reportedly taken by the armed group after...

It is Time for the World to Recognize Somaliland

omaliland has been on a charm offensive for three...