Golaha Guurtida oo soo Bandhigay Dhaliilo ka Jira Hannaanka Waxbarashada Dalka

Date:

Hargeysa (Dawa) Mudanayaasha golaha guurtida Somaliland, ayaa soo bandhigay dhalliilo badan oo dul hogganaya hannaanka waxbarasho ee dalka.

Waxaanay si adag uga hadleen sida lagu bilaabo sannad dugsiyeedka  waxbarashadiisa iyadoo aan lagu dhawaaqin Imtixaanka shahaadiga ah isla markaana ardayda oo muddo laba bilood ama saddex bilood ah waxbarasho watay la odhanayo waad dhacday.

 

Taasoo  ay mudaneyaashu tilmaameen in ay tahay dhaliil ka jirta hannaanka waxbarasho ee dalka isla markaana muddo saddex sano ah soo socotay arday badan na ku keentay niyad jab iyo in ay nolosha quus ka gaadhaan.

Mudaneyaasha golaha guurtida ayaa sidan ka sheegay doodoo ajandaha 82-aad qodobkiisa waxbarashada.

 

 

Xildhibaan Dayib Xasan Axmed ayaa wasiirka waxbarashada iyo guddoomiyaha xafiiska Imtixaanaadka ku cannaantay sababta ay qorshe uga yeelan waayeen ardayda sii fadhiisanaysa iskuulada iyada oo aan loo sheegin inay gudbeen iyo in kale imtixaankii shahaadiga ahaa, balse marka lagu dhawaaqo imtixaanka laga soo saarayo fasalkii ay mudada badan wax ku baranayeen, iyada oo la leeyahay way dhaceen.

Sidoo kale waxa uu sheegay in wasiirka iyo guddoomiyaha xafiiska imtixaanaadku masuul ka yihiin niyad jabka ardayga isaga oo fasalkiisi waxbarashada fadhiya la odhayo imtixaankii baad ku hadhe ka soo bax.

Xildhibaanka oo fariin  iyo waano iyo tusaale nool  u diray guddoomiyaha xafiiska imtixaanaadka iyo wasiirka wasaaradda waxbarashada,ayaa yidhi.“Waxa weeye imtixaanaadkii shahaadiga ahaa ee la qaadayay ee fasalka koobaad ee dugsiga sare loogu gudbayay, tusaale ahaan 1/8/2023 ayaa la soo galay iskuuladii ardaydii oo aan imtixaanaadkii loo yeedhin oo in uu baasay iyo in kale aan la ogayn ayaa iskuuladii galay.

Haddii hadhawto marka imtixaankii la yeedhiyo iyada oo xaq loogu leeyahay xafiiska imtixaanadku in uu imtixaanka yeedhiyo inta aan la gelin iskuulada ardaygaygii ama ardaygii waalidka ka  tagey iskuulkii oo 3 bilood dhiganayay oo imtixaankii Shahaadiga ahaa la yeedhiyo oo la yidhaahdo imtixaankii wuu dhacay ardaygaasi 3-da bilood dugsigaasi wax ka baranayay waxay ku noqonaysa mooral jab.

Ardayga niyadiisi waa lagu ciyaaray waxa la idiinka baahan yahay oo guddoomiyaha imtixaanaadka iyo wasiirkaba u soojeedin lahaa waar imtixaankan aad qaadaysan ee wakhtigii loogu talo galay dhaafaya ee ardaygii meeshi iska sii dhiganayo arrintaasi in la beddelo ayaa loo baahan yahay, Somaliland waa ku dhib arrintaasi sababtoo ah ardayga imtixaankii Shahaadiga galay ee natiijadii oo aan loo yeedhin   iskuulkii galay, ee hadhaw la odhanayo waad dhacde ka soo bax, ardayga dhibaatada halkaa kaga dhacda waxaan qabaa in guddoomiyaha xafiiska imtixaanaadka, wasiirka waxbarashada iyo masuuliyiinta la shaqeeya ay u gaysatay dhibta, waxaan leeyahay arrintaasi meel halagu tiiriyo, oo arday sannadkii hore dhacday, oo kan dhacday, bal kuwa danbe ka ilaaliya inay arrintaa iyo dhibaatadaasi yaanay ku dhicin”

Xildhibaan Cali Maxamed Xaaji Huruse, ayaa sheegay in arday kasta laga qaadayo 20 dollar oo aanay waalidiinta ubadka dhashay awood u lahayn, waxaanu ka codsaday wasaaradda waxbarashadu inay golaha hor timaado waxbixina ka siiso qorsheeda dugsiyada gaarka loo leeyahay.

Waxaanu yidhi. “Ardaygii kaliya waxaa laga qaadaa  20 dollar waalidkaan keenayni ilmihiisa hala noqdo, waxaan soojeedinaya wasiirka waxbarashada in loo yeedho, marka wasaaraddu waxbarashada dugsiyada gaarka loo leeyahay bal nidaamka ay ugu talo gashay iyo waxa ay ka qabanayso in wax laga weydiiyo,”.

Xildhibaan Cilmi Cabdillaahi Xasan, ayaa golaha ka dalbaday in loo yeedho wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo sayniska Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Diiriye
(Toorno).

Waxaanu yidhi.“Aynu iska joojino macalimiinta dibedda aynu ka keenayno wasiirka waxbarashada JSL haloo yeedho”

Xildhibaan Axmed Dirir Cali ayaa sheegay in lodadlkii kala danbeeyay ee ka baxay jaamacadaha dalka iyo dugsiyada sare in shahaadooyinkii ay qaateen ay ku qoran yihiin magacyo kala duwan oo wasaaradda waxbarashadu leedahay, waxaanu ka codsaday inay magac kaliya u daayaan, magac bixinta wasaaradda.

Waxaaanu yidhi.  “Wasaaradda waxbarashada markasta oo aad hormarto boodhkeeda waxaad ugu tageysa magac cusub, waxa la odhan jiray wasaaradda waxbarashada, haddana markii ay muddo joogtay waxa loo bixiyay wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare imikana waxa la yidhaahda wasaaradda waxbarashada iyo Sayniska.

Marka waxaan soojeedinaya wasaaradda meel loogu hagaago hala helo, oo dhinac uun ha isugu luga duwato, nin la yidhaahdo, Xasan, Barre, Jaamac, marna Cali carruurtiisa maxaa la odhanaya waa ilma ayo? Waxa weeyaan ilma cid walba miyaa?.

Waxa jira dhallinyaro ka baxday Jaamacadaha amase dugsiga sare 2005 illaa 2010-kii marka shahaadada loo caddaynayo ‘waxa la yidhaaha wasaaradda waxbarashada ayaa caddaysay, 5 sano kadibna waxa la yidhi waxa caddaynaysa wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare, imikana waxa caddaynaysa wasaaradda waxbarashada iyo Sayniska, waana isku wasaarad qudha, waana isku dal qudha, waar meesha dhibaato ayaa ka taagane wasaaraddu meel loogu soo hagaago hayeelato waxaanan soojeedinaya in lagu soo koobo wasaaradda waxbarashada hidaha iyo sayniska”.

Xildhibaan Mustafe Ibraahim Ciise ayaa sheegay in deeqaha waxbarasho ee da’yarta Somaliland la siiyo,in aan si siman loogu qaybin bulshada Somaliland.

Waxaanu yidhi. “Waxa jira dowladdo aynu saaxiibo nahay, oo inasiiya fursado aynu ku helo deeqo waxbarasho, marka haddii daacad laga noqon waayo oo wixii soo baxa si siman bulshada loogu qaybin waayo dhibteeda ayay leedahay.

Beri dhaweyd Taywan ayaa deeq waxbarasho ina siisay, waxa ay sheegtay in tiradoodu dhan tahay 37 arday, dowladduna waxa ay inoo sheegtay inay yihiin 33 arday, marka waxa iska cad in afarta dhiman markaad kala jarto la gacan bidixeeyay,”

 

 

 

Dhinaca kale mid ka mid ah waliidiinnta ubadkoodu ay sii bilaabeen waxbarashada bila natiijada ah, oo u waramay Wargeyska Dawan, ayaa masuuliyiinta waxbarashada ka dalbaday inay saxaan qaladka masiiruga ah ee ubadka taabanaya ee ka jira dhanka waxbarasahda

 

Waxaanu yidhi.“Aniga oo ka mida waalidiinta ubadkoodu  galeen imtixaanka shahaadiga ee duggsiyada hoose dhexe ee  dalka JSl, laba ka mid a caruurtayda waxa la qoray iskuulkii, iyada oo aan la soo saarin natiijadii imtixaanka dugsiyada dhexe ee lagu galayay dugsiyada sare, ardaydaas midkasta waxa la iga qaaday 21 dollar, ahna 180,000 kun oo shilinka Somaliland ah, ardayda bilaa natiijada ku galay dugsiyada sare, oo  ka kooban dhammaan ardaydii u fadhiistay fasalada 8-aad ee dalka oo dhan,  ayaa haatan muddo ka badan 7 cisho si caadiya u wata waxbarashadoodii caadiga ahayd ee dugsiga sare, oo ay ka mid yihiin kuwa aan dhalay.

Sidaasi darteed barri ka maalin marka la soo saaro natiijada imtixaanka ardayda ku guuldaraysata,  iyaga oo waxbarashadii wata yaa masuul ka ah dhibaatada nafsiyan soo gaadhi karta ilmahaa yar ee ku jira marxalada ugu xasaasisan ee bini’aadamka ee aanu maskaxdiisa iyo naftiisa midna maamuli karin.

Anigu ka waalid ahaan waxaan qaba in talaabadan ardaydu ku galeen iskuulada ay tahay, ceebtii iyo fadeexadii ugu weynayd oo dul hoganaysa wasaaradda waxbarashada iyo sayniska Somaliland.

Waxa kale oo ay arrintaasi dhaawac weyn iyo naaqusnimo halkii ugu hooseysay ku tahay nidaamka imtixaanaadka shahaadiga ah ee dalka, maadaama xaqiiqaadii natiijada laga doonayay la baalmaray.sidaas darteed waa in wasaaraddu dib isugu noqoto oo xafiisma Imtixaanaadka iyo wasaaraddu sidan wax ka bedelaan oo ardaydu intaanay waxbarashada sannad dugsiyeedka cusub aanay bilaabin  la yeedhiyaa Imtixaanka shahaadiga ah oo ardaygii soo gudbay isagoo shahaadadiisii sita u gudbaa fasalka cusub.”

 

 

 

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Time to Temper Response to Ethiopia and Somaliland

The crisis in bilateral relations between Somalia and Ethiopia...

Al-Shabab captures UN helicopter in central Somalia

Several passengers reportedly taken by the armed group after...

It is Time for the World to Recognize Somaliland

omaliland has been on a charm offensive for three...