“Laba Bilood Ka-dib Doorasho ayaa la Galayaa ee Bal Waxa Laga Murmayo ee Xisbiga Waddani Buuraha u Fuulay ha La Ina Fahamsiiyo…”

Date:

Burco (Dawan)- Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka iyo Guryeynta Jamhuuriyadda Somaliland Mustafe Maxamuud Cali Bile ayaa wax la yaab leh ku tilmaamay iyada oo Doorashooyinkii dalka la muddeeyay sida doorashdii urrurada iyo doorashadii madaxtooyadda, maalinta la qabanayaana ay cadahay sidoo kalena madaxwaynuhu Digreeto ku soo saaray muranka taagan iyo sababta uu u taagan yahay.

Sidoo kale Wasiirka Hawlaha Guud, dhulka iyo guryeynta Somaliland Mustafe Maxamuud Cali Bile ayaa sheegey in laba bilood kadib la galayo doorashadii waxaanu wax laga fajaco ku timaamay iyada oo ay wax kastaa cad yihiin waxa keenay in xiligan buuro la fuulo, isaga oo waliba xusay in Xibsiga Waddani oo wakhtigan buurta fuulay.

Wasiirka oo ka qayb galay munaasibad magaaladda Burco lagu soo dhawaynayay Xildhibaano ku soo biirayay Xisbil Xaakinka Kulmiye oo kala ahaa Maayir ku xigeenka Magaaladda Burco iyo XildhibaanSaleebaan Axmed Carab oo ka mid ah golaha Wakiillada Somaliland ayaa waxa uu daneeyayaasha doorashooyinka ugu baaqay in kursiga lagu kala helayo doorasho kaliya balse aan wax kale lagu hanan kareyn.

Wasiirka Hawlah Guud, Dhulka iyo Guryeynta Somaliland ayaa madasha ka qiray in Xisbiga Kulmiye uu doorasho diyaar u yahay balse og-soon yahay in kaliya lagu kala guulaysan karo cod, waxaanu wasiirku bulshada ugu baaqay inay cidii tartan diyaar u ah ay ka xisbi ahaan diyaar u yihiin inay la tartamaan.

Waxaanu yidhi “Sida uu sheegay Xildhibaan Saleebaan waxaa la yaab leh iyada oo aynu maanta mudaynay Doorashooyinkii Ururrada iyo tii madaxtooyaddaba, maalinta la qabanayaana ay cadahay madaxwaynuhu Digreeto ku soo saaray, muranka taagani sababta uu u taagan yahay maynaan fahmin, laba bilood kadib baa doorashada la galayaa, bal waxa laga murmayo ee buuraha loo fuulay ee Wadani buuraha u fuulay ha la ina fahamsiiyo.”

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Time to Temper Response to Ethiopia and Somaliland

The crisis in bilateral relations between Somalia and Ethiopia...

Al-Shabab captures UN helicopter in central Somalia

Several passengers reportedly taken by the armed group after...

It is Time for the World to Recognize Somaliland

omaliland has been on a charm offensive for three...