Golaha Wakiillada oo Dood ka Yeeshay Ajandaha Kalfadhiga 6aad

Date:

Hargeysa (Dawan) Fadhigii Golaha Wakiilada ee shalay oo Shirguddoominayay Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Yaasiin Maxamuud Xiir Faratoon ayaa Mudanayaasha Golaha Wakiilada dood ka yeesheen ajandaha kalfadhiga 6aad.

Mudanayaasha Golaha Wakiilada ee ka qayb galay dooda ajandaha kalfadhiga 6aad ayaa waxa ay ku doodeen ajandaha lagu qiimeeyo xaalada guud ee dalku ku suganyahay iyo Doorashooyinka iyo dagaalka ka taagan Gobalka Sool.

Xildhibaan Mukhtaar Xasan Maydhane ayaa waxa uu ku dooday in qodobada lagaga hadlayo ajandaha loo soo kala horaysiiyo.Waxaana uu yidhi”Waxa aan soo jeedinayaa ajandaha in loo kala horaysiiyo sida ay u kala mudanyihiin, daruuraha ka taagan Somaliland midna waa duruufta ka taagan Gobalka Sool midna waa Doorashooyinka.oo ku qotama Xeerar lagana fursan maayo in dajiyo,”.

Xildhibaan Cabdikariim Maxamed ayaa isaguna soo jeediyay in qodobada ajandaha lagu soo daro xeerka Caasimadda.Waxaana uu yidhi”Waan waafaqsanahay qodobada ku jira ajandaha kalfadhiga 6aad ee Golaha,waxaana aan soo jeedinayaa in ajandaha lagu soo daro xeerka Caasimadda Jamhuuriyadda Somaliland,”.

Sidoo kale Xildhibaan Abubakar Siciid Cali ayaa waxa uu ku dooday sidan.Waxaana uu yidhi”Waxa aan soo jeedinayaa in ajanadaha ay ku caday qodobada ku jira qabanaya sida cida cida samaynaysa qiimaynta Golaha kumacada cida qiimaynta samaynaysa iyo cida laga sugayo curinta xeerarka,”.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Time to Temper Response to Ethiopia and Somaliland

The crisis in bilateral relations between Somalia and Ethiopia...

Al-Shabab captures UN helicopter in central Somalia

Several passengers reportedly taken by the armed group after...

It is Time for the World to Recognize Somaliland

omaliland has been on a charm offensive for three...