Shacbi Weynaha Ku Nool Magaalada Oodweyne oo Taageero u Muujiyey Ciidanka Qaranka Somaliland

Date:

Oodweyne (Dawan)- Shacbi weynaha ku nool magaalada Oodweyne oo ayaa taageero mug iyo miisaan leh u miijiyay ciidamada qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, gaar ahaan xoogaga jiida hore ee furimaha dagaalka, waaxaanay tilmaameen in ay xoog iyo xoogba la garab taagan yihiin ciidamadooda.

Kumanaan ka mid ah dadweynaha ku dhaqan xarunta gobolka Daad-madheedh ee Oodwayne ayaa sheegay in ay si buuxda oo mug iyo miisaan lehba u garabtaagan yihiin, waxaanay ugu baaqeen inay hore u socdaan oo ay gaadhaan xuduuda ay Somaliland la leedahay Soomaaliya.

Qaar ka mid ah dadweynihii isu soo baxaasi ka qayb qaatay oo arbaahinta la hadlay ayaa yidhi “Waxaan hambalyo iyo bogaadin ba u dirayaa ciidanka qaranka Somaliland, waxaan leeyahay ciidanka guul iyo gobanimo, Somaliland ha guulaysato, calanku ha guulaysto, qarannimadu ha guulaysato. Soddon sanno ayaynu nabad ku naaloonaynay, Waxaan ahay 21 jir walina maan arag meel ay xabadika dhacayso. Madaxweynaha iyo ciidamada qaranka ba waxaan leeyahay Guuleysta.

Waxaan halkan si gaar ah uga salaamayaa aabahay oo ka tirsan ciidanka qaranka Jamhuuriyadda Somaliland gaar ahaan guutada shanaad. Waxaan leeyahay aabe guuleyso, waanu ku garab taaganahay, waxa kale oo aan salaamayaa walaalkay oo ka tirsan ciidanka qaranka gaar ahaan kamaantooska guutada Gama-diid, waxaan leeyahay guuleysta.”

“Ciidanka qaranka waxaan leeyahay guuleysta, hore u socda oo gaadha xuduuda Somaliland, waanu idin garab taagannahay hiil iyo hooba, maalin dhawayd waxaan la qiirooday gabadh yar oo ka hadlaysay magaalada Hargeysa oo tidhi aabahay raq iyo ruux toona ma hayo, haddana ciidamada qaranka ayaan garab taaganahay, waxyaabaha noocaas oo kale ah ayaa ah wax lagu dhiirado laguna diirsado,” ayuu yidhi mid ka mid ah dadweynaha ku dhaqan magaalada Oodweyne ee shalay ka qayb qaadanayay isu soo baxa ballaadhan ee lagu taageerayo ciidanka qaranka Somaliland.

“Waanu garab taagannahay ciidanka qaranka Somaliland haddaanu nahay dadweynaha gobolka Daad-madheedh dhammaantii, waanu dhiiri gelinaynaa, hiil iyo hooba waanu la garab taaganahay, dadweynaha reer Somaliland-na waxaan leeyahay dhammaantiin ciidanka qaranka u muujiya sida aad hiil iyo hooba ula garab taagantihiin,” ayuu yidhi muwaadin kale oo ka qayb qaadanahay isu soo baxaas.

“Mucaarid iyo Muxaafid ba waanu ku garab taaganahay ciidanka Jamhuuriyadda Somaliland waxaanu leenahay hore u socda, waad guuleysanaysaan, waxaa inoo balan ah xuduuda Somaliland oo aad soo xidhaan, anaguna hadaanu nahay shacabkii aad naftiina u hurayseen waxaanu idinla garab taagannahay hiil iyo hoo.”

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Time to Temper Response to Ethiopia and Somaliland

The crisis in bilateral relations between Somalia and Ethiopia...

Al-Shabab captures UN helicopter in central Somalia

Several passengers reportedly taken by the armed group after...

It is Time for the World to Recognize Somaliland

omaliland has been on a charm offensive for three...