Xisbiga Kulmiye oo Beeniyay War uu Sheegay Cali Dhagoole

Date:

Hargeysa(Dawan)Xisbiga talada dalka haya ee Kulmiye  ayaa jawaab adag ka bixiyay hadalo ka soo yeedhay Siyaasiga Cali Dhagoole.

Xoghayaha Abaabulka iyo Wacyigelinta heer qaran ee xisbiga KULMIYE Saleebaan Siciid Cali ayaa sheegay in Cali Dhagoole aanu ka mid ahayn golaha dhexe  ee Xisbiga KULMIYE,haseyeeshee uu ka mid ahaa taageerayaasha Xisbiga.

Saleebaan Siciid Cali oo ka jawaabayay hadaladan ka soo yeedhay  Cali Dhagoole.Waxa uu yidhi”Taageero ayuu u  ahaa  Cali  Dhagoole  Xisbiga  Kulmiye  Golihiisa dhexe  iyo  gudida fulinta midna kuma  jiro,kamuu mid ahayn Cali dhagoole golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye,mana jirto wax liiska  Golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye oo uu ku galay.waxaana loo gudbiyay Golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye gudida Diwaangalinta Ururada Siyaasada iyo Koomishanka doorashooyinka.liiska tukaanada  yaala  isaga ayaa  cadayn  doona ee  anagu  garan  mayno Gobalka Saaxil Gobalada uu ka soo jeedo Madaxweynuhu ayuu ka mid yahay waxaana Gobalka  Saaxil  ka mid yahay Gobaladii doortay  Madaxweynaha  Somaliland  xaal ayaanu ka siinaynaa Madaxweynaha Somaliland hadaladaa  ka  soo  yeedhay Cali  dhagoole.waxaana  aan  leeyahay  Cali matihid kii isku diri lahaa  Madaxweynaha  iyo  Gobalka  Saaxil  ee awoodihii lahaa.shan  sanno ayuu ka naawilayay Xisbiga Kulmiye dhibtaa ayaa  ku dhacday Cali  xil  yaad ayaa ku dhacday  Cali  Dhagoole Hebelbaa igabax Golaha dhexe wax shir jaraa,id loo qabto  maaha,qofkii golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye ka mid ah ayaa tartamaya,”

 

.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Time to Temper Response to Ethiopia and Somaliland

The crisis in bilateral relations between Somalia and Ethiopia...

Al-Shabab captures UN helicopter in central Somalia

Several passengers reportedly taken by the armed group after...

It is Time for the World to Recognize Somaliland

omaliland has been on a charm offensive for three...