Toogasho ka dhacday qunsuliyadda Sweden ee Turkey

Date:

Shaqaale Turkish ah, oo ka howlgalayey qunsuliyad sharafeedka ay Sweden ku leedahay magaalada Izmir ee galbeedka Turkey ayaa si darran ugu dhaawacmay toogasho loogu geystay bannaanka dhismaha qunsuliyadda, waxaa sidaas werisay warbaahinta dowladda ee TRT.

Xafiiska badhasaabka Izmir ayaa bayaan ku sheegay in muwaadin Turkish ah oo degan gobolka bari ee Agri loo xidhay falkan.

Falka oo dhacay Salaasadii Booliska ayaa haatan baadhaya dhacdadan, sida uu sheegay xafiiska badhasaabku.

Qunsulka guud ee Sweden ayaa shalay oo Arbaco ahayd u safray Izmir, si uu xog dheeraad ah uga helo dhacdada, ayey tidhi wasaaradda arrimaha dibedda Sweden.

Wasaaradda ayaa sheegtay inay wadahadal dhow la leedahay qunsulkeeda guud ee Istanbul iyo shaqaalaheeda Turkey.

Qunsuliyadda Guud waxay xidhiidh la sameysay Qunusliyad Sharafeedka Izmir iyo mas’uuliyiinta deegaanka, ayey tiri wasaaradda arrimaha dibedda Sweden.

Wasaaradda ayaa sheegtay inaysan faallo intaas dheer ka bixineyn “halista ay wajahayaan shaqaalaha diblomaasiyadda iyo tallaabooyinka amni ee la qaaday, maadaama tani ay tahay halis ka hor-imaneysa ujeeddooyinka tallaabooyinkaas.”

Wasiirka Caddaaladda Turkey, Yilmaz Tunc ayaa ku cambaareeyey weerarka, qoraal uu soo dhigay barta X ee horey loogu yaqiin twitter.
Waxa uu sheegay in baadhitaan fal dambiyeedka ah la billaabay si loo ifiyo dhacdadan.

Weerarkan ayaa imanaya iyada oo bilihii dhowaa ay xiisadi ka dhex oogneyd Turkey iyo Sweden.

Ankara ayaa marar badan cambaareysay go’aanka ay Sweden ku fasaxday dibadbaxyo lagu gubayo Kitaabka Qu’raanka, oo qaarkood kahor dhacay qunsuliyadda Turkey ee caasimadda Sweden ee Stockholm.

Ankara ayaa sidoo kale muddo hortaagneyd damaca ay Stockholm ugu biireyso xulufada NATO, sababo la xidhiidha qur’aanka la gubay iyo in Sweden ay diiday inay soo gacan geliso shaqsiyaad Kurdish ah, oo Turkey ay ku eedeysay argagixisanimo.

Turkey ayaa ugu dambeyn bishii tagtay ogolaaatay in Sweden ay ku soo biirto NATO, kadib cadaadis ay billo wadeen Maraykanka iyo xubnaha kale ee ururka.

Qunsuliyad sharafeedka ayaa matala danaha muwaadiniintooda ee dibadda laakiin ma maamulaan diblomaasiyiin xirfad leh.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Time to Temper Response to Ethiopia and Somaliland

The crisis in bilateral relations between Somalia and Ethiopia...

Al-Shabab captures UN helicopter in central Somalia

Several passengers reportedly taken by the armed group after...

It is Time for the World to Recognize Somaliland

omaliland has been on a charm offensive for three...