Laascaanood waxaa ku soo Duulay dad aan u Dhalan oo ka Dagaalamaya.” Sarkaal u Hadlay ciidan isu soo Dhiibay Somaliland

Date:

Yagoori(Dawan)Ciidamo ka soo  goostay  Maleeshiyaadka huwanta oo isku soo dhiibay  Ciidamada qaranka  Somaliland ee qaybta 7aad.

Abaanduulaha qaybta 7aad  ee  Ciidamada qaranka  Gaashaanle sarre  Axmed  Bulaale ayaa waxa uu sheegay in ay soo dhawaynayaan hadii ay soo noqdaan  dhalinyarada la  khalday ee  Maleeshiyaadka   huwanta.Waxaana uu yidhi”Waxa aanu soo dhawaynaynaa dhalinyaro  ka  mida  haa dadkii la khalday oo ka soo noqday, odayaasha 33 mooye  cidii  kale  waa  cafis dhalinyarada  ka dambeeya waanu soo dhawaynaynaa,”.

Jaamac Cawil Xasan Wayrax oo ka mid ahaa Ciidamo ka soo goostay Maleeshiyaadka huwanta ayaa waxa uu sheegay in Laascaanood  ay ku soo duuleen dad aan u dhalan.Waxaana uu yidhi”Waxa isoo  dhaweeyay saraakiisha  saldhiga toddobaad ee Ciidamada qaranka waxaanan leeyahay saxiibayda aan ka imi  iskaga kaalaya oo dalkiina iyo dadkiina u kaalaya waa  laydin khalday.dad aan u dhalan ayaa ku soo duulay Laascaanood oo  gubaya oo carruurteenii iyo Maatadeenii qixiyay waana in aynu ka xorayno.”

Sidoo kale   Haybe  AwJaamac oo ka mid ahaa
Maleeshiyaadka huwanta ee ku soo biiray Ciidanka qaranka ayaa   sheegay in dib ugu soo noqdeen  Ciidanka qaranka.Waxaanu yidhi”Aniga oo ka mid ahaa Ciidamada Jamaahiirta ee ku sugan  Laascaanood,waxaa aanu u nimid  Ciidankii Somaliland  ee markii horeba  aanu ka tirsanan,”.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Time to Temper Response to Ethiopia and Somaliland

The crisis in bilateral relations between Somalia and Ethiopia...

Al-Shabab captures UN helicopter in central Somalia

Several passengers reportedly taken by the armed group after...

It is Time for the World to Recognize Somaliland

omaliland has been on a charm offensive for three...