Somaliland: Guddida Doorashooyinka Oo La Filayo Inay Dalka Ka Bilaabaan Diiwaangelintii Codbixiyayaasha

Date:

Komishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland oo muddooyinkii ugu dambeeyey si weyn uga shaqaynayey hawlaha saldhiga u ah qabsoomida doorashooyinka isku sidkan ee Golayaasha Deegaanka Iyo Wakiilada,kuwaas oo bishii hore ka sameeyey Magaalooyinka Oodweyne Iyo Baligubadle tijaabadii diiwaangelinta Codbixiyayaasha.

Guddida Dorashooyinka Qaranka Somaliland ayaa la sheegay inay hadda ay cagta saareen jidkii ay ku bilaabayeen Diiwaangelinta Codbixiyayaasha Somaliland, waxaanay xoggo uu Wargeyska Foore ka helay illo wareedyo ay sheegeen in lagu guulaystay tijaabadii diiwaangelinta Codbixiyayaasha Somaliland ee laga sameeyey Bishii hore Magaalooyinka Baligubadle iyo Oodweyne.

Dhanka kalene Xoggaha uu Foore ka helayo illo wareedyo rasmiya ayaa sheegay inay bishan aynu ku jirno ee October 2020-ka badhtankeeda ay si rasmi ah Guddida doorashooyinka Qaranka Somaliland uga bilaabayaan dalka diiwaangelintii codbixiyayaasha Somaliland.

Doorashooyinka Somaliland ee Golayaasha Deegaanka Iyo Wakiillada ayaa la filayaa in ay ka qabsoomaan dalka sannadka dambe inkasta oo xaalado caqabado ahi ku gedaaman yihiin, kuwaasoo isugu jira kuwo sharci iyo saami qaybsiga beelaha Somaliland qaarkood saluugga weyn ka qabaan.

 

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Time to Temper Response to Ethiopia and Somaliland

The crisis in bilateral relations between Somalia and Ethiopia...

Al-Shabab captures UN helicopter in central Somalia

Several passengers reportedly taken by the armed group after...

It is Time for the World to Recognize Somaliland

omaliland has been on a charm offensive for three...