Somaliland: Xildhibaan Ku Baaqay In Gurmad Loo Fidiyo Dadkii Waxyeeladu Ka Soo Gaadhay Roobabkii Dabaylaha Watay

Date:

Xildhibaan Naasir Cali Shire oo ka mid ah Mudaneyaasha Golaha Wakiillada, ayaa ku baaqay in mucaarad iyo muxaafidba xal laga gaadho xaalad kasta oo jirta si isfahan loo gaadho.

Xildhibaan Naasir Cali Shire oo u warramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale  ku baaqay in loo gurmado oo wax la taro dadkii roobabka dabyalaha wataa ay waxyeelada u geysteen, waxaanu ugu horeyn yidhi “Inaynu si wada jir ah uga gudubno  marxalad kasta oo ina soo marta ayaa la inaga rabaa, Doorashooyinkeena wakhti kastaba ha ku dhacaane in lagu heshiiyo wakhti mucayin ah ayaa la inaga rabaa, ta kale Mucaarad iyo Muxaafidba inaynu is fahan ka gaadhno xaalad kasta oo jirta ayaa inala gudboon”

Mar uu ka hadlayey roobabkii khasaaraha geystay ayaa yidhi “Qadder ayaa dhacay, qadderka iyo ALLE wuxuu qoray cid baajin kartaa ma jirto, ee roobabkan dabyalaha wata ee waxyeelada geystay, guryahana dumiyey, waxaan leeyahay dadka waxyeelado soo gaadhay ee roobabku guryahoodii ka dumiyeen wax ha la taro, oo gurmad deg-deg ah ha lala gaadho, Ilaahayna waxaanu ka baryeynaa inuu inoo shubo roob khayrkiisa wata, oo aan dabaylo wadan, waxyeelana inoo geysan”.

Xildhibaan Naasir Cali Shire mar uu ka hadlayey qaranimada Somaliland ayaa yidhi “Qaranimadeenu maaha mid ku timid si yar oo fudud, ee waxaynu ku timid halgan iyo dadaal ee Bulshadeenu meel walba oo ay joogto waxaa looga fadhiyaa inay qaranimadooda iyo mab’dooga Somalilandnimada inay ilaashadan, iska ilaaliyaan wax kasta oo fidno iyo khatar ku keenaya nabadooda”.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Time to Temper Response to Ethiopia and Somaliland

The crisis in bilateral relations between Somalia and Ethiopia...

Al-Shabab captures UN helicopter in central Somalia

Several passengers reportedly taken by the armed group after...

It is Time for the World to Recognize Somaliland

omaliland has been on a charm offensive for three...