Somalia: Dhuusamareeb oo ay ka socoto qabanqaabada shirka halkaas ka furmaya

Date:

Waxaa saakay ka soconaya magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug qabanqabada shirka Dhuusamareeb 3 oo ay yeelanayaan madaxda dowladda faderaalka ah ee Soomaaliya iyo kuwa maamul goboleedyada .

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shalay gaaray halkaas, iyadoo sidoo kale ay tegeen Dhuusamareeb madaxweynayaasha Hirshabeelle iyo Koonfur galbeed, waxaana hadda ku sugan magaalada xubno kamid ah xildhibaannada Baarlamanka iyo sidoo kale wasiirro ka tirsan dowladda iyo maamul goboleedyada.

Shirkaan ayaa waxaa lagu wadaa in lagu gorfeeyo arrimaha doorashada soo socoto iyo sida Soomaaliya ay u wajaheyso, waxaa sidoo kale la iskula soo qaadayaa hannaanka ay doorashadu noqon doonto.

Dad badan oo aqoonyahan ah ayaa saadaalinaya in ay yartahay rajada is Af-garadka ah ee kasoo bixi karo, iyagoo taas u sababeeyay khdubadii uu shalay madaxweynaha Soomaaliya ka jeediyay Baarlamanka dowladda oo uu ku sheegay in Soomaaliya ay muhiim tahay in dowladnimada dadka loo dhoweeyo. Taas oo lagu sheegay in micnaheedu yahay in uu ku qanacsanyahay qabashada doorasho qof iyo cod ah.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Time to Temper Response to Ethiopia and Somaliland

The crisis in bilateral relations between Somalia and Ethiopia...

Al-Shabab captures UN helicopter in central Somalia

Several passengers reportedly taken by the armed group after...

It is Time for the World to Recognize Somaliland

omaliland has been on a charm offensive for three...