Somaliland: Madax-dhaqameedka AWDAL Oo Sheegay Inay Golaha Wakiilllada Ka Doonayaan 33 Kursi

Date:

Suldaan Cabdiraxmaan Dhawal oo ka mid ah Hoggaanka dhaqanka ee Beelaha Awdal ayaa ka hadlay Tabashadooda la xidhiidha Saami-qaybsiga Kuraasta Golaha Wakiillada Somaliland.

Suldaan Dhawal ayaa sheegay in Beelaha Gadabuursi ay doonayaan inay Kuraasida Golaha Wakiillada Somaliland ka helaan boqolkiiba 40 oo u dhigantay 33 Kursi.

Suldaan Dhawal oo ugu horrayn sharraxaya Wufuud ka socotay Golaha Wakiillada iyo Akadamiyadda Nabadda iyo Horumarka Somaliland ayaa yidhi “Halkan waxa noogu yimid laba qaybood oo is daba socda, Guddiga Arrimaha gudaha ee Baarlamaanka Somaliland oo naga waraysanayey qaabka doorashada oo soo galayo, maaddaama oo Doorashada Golaha Baarlamaanku dhowdahay, taana waxaanu ku caddaynay War-saxaafadeedkayagii hore, ka dib markii Beelaha Gadabuursi ay kaga shireen Shirkii Gobeed oo lagu dhammaa,  Ugaas Cabdirashiid iyo hadday Madax-dhaqameedka kale tahayba, kaasi oo ay ku yimaaddeen Ergooyin dhan 773 Qof, laguna go’aamiyey inay si Cad u helaan Saamiga ay Dalka ku leeyihiin, hadday waayaan inay ka joogaan. Saamigaasi waxa weeyaan hadday boqollay noqoto, boqolkiiba Afartan, hadday noqoto siday imika ku fadhiyaan ee 82-ka ahna waa 33 Qof (Saamiga Awdal doonayso). Guddiga Arrimaha gudah ee Golaha Wakiillada waanu u caddaynay, Qolada Akadamiyadda nabaddana waanu u caddaynay.”

Suldaanka oo Warbaahinta Golaha91.com waydiisay waxa u meel yaalla, maaddaama oo illaa xilligii ay la kulmeen Guddiga Arrimaha gudaha ee Golaha Wakiillada iyo Akadamiyadda Nabadda aanay Cid dambe arrimahan kala hadal oo xagga Dawladda ka socda, ayaa ku jawaabay  “Waxa noo talo ah oo aan horena Bulshada ugu sheegnay, Maantana ku celinaynaa in aan hadda ka dib Maskabka dalka aanay Cid gaar ahi haysanayn, waxa naga go’an in sidaa Maanta lagu fadhiyo (Baarlamanaanka) in aanay dib Dadka aanu Hoggaanka u nahay ugaga qayb-galaynin (Doorashada Somaliland), hadday Golaha Guurtida tahay iyo hadday Golaha Baarlamaanka, go’aankaa Bulshadana waanu u sheegnay, Cid kasta oo ay khusaysana waanu u sheegnay, illaa la saxayana Gadabuursi wuu ka maqnaanayaa illaa la saxayo..”ayuu yidhi.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Time to Temper Response to Ethiopia and Somaliland

The crisis in bilateral relations between Somalia and Ethiopia...

Al-Shabab captures UN helicopter in central Somalia

Several passengers reportedly taken by the armed group after...

It is Time for the World to Recognize Somaliland

omaliland has been on a charm offensive for three...