Somaliland: Runtu Ma Fanta: Heerka Koritaanka Dawladnimada Somaliland? Akhriso, Qormo Uu Qoray Aadan Muuse Jibriil

Sida cilmiga dabeecadu u leeyahay qawaaniintiisa u gaarka ah sida (Law of gravity) ayaa Cilmiga Bulshaduna u leeyahay qawaaniintiisa u gaarka ah. Waxaana ka mid ah uguna mudan qaanuunka ‘’soo-ifbaxa,  koritaanka, iyo dhicitaanka Dawladnimada’’.   Muddo hadda lix qarni laga joogo ayaa Caalimkii weynaa ee Islaamiga ahaa lana odhan jirey Shiekh Cabdiraxaman Alxadrami- Bin Khalduun, waxuu aasaaska u dhiga aragti-bulshadeeka Sociolojiga (Sociology), oo marka la isku soo min-guuriyo laguna dabbaqo xaaladdan Somaliland manta marayso waxaan ku soo koobi karayaa uguna gudbinayaa  dabaqadda siyaasadda iyo dadweynaha Somaliland intaba in ay ogaadaan in Dawladda iyo Dimoqoraadiyada ay moodayaan midnaba aynaan haysan.  Qaladka ugu weyn ee khatarta ahi waa tixgelin la’aanta qawaaniinta cilmiga bulshada iyo siyaasadda. Maxaa yeelay, bulshada Somalidu weli ma gaadhin heerkii dawladnimada iyo Dimoqaranimada ee weli waxay maraysaa heerkii reernimada ama qabiilka. Muddada koritaan ahaan lagu gaadhi karo qaranimadu waa muddo aan ka yarayn boqolaal sano oo taxane ah. Dawladnimadan waxaa inoo keenay Ingiriiska, asaguna waxuu ka soo dhaxlay dhaqan-dawladeed laba kun oo sano ka horreeyey oo ka soo jeeda  ilbaxnimadii ama Xadaaraddii ‘’Greeco-Roman Civilization’’.  Dawladdii Ingriiska iyo tii Talyaaniga ee la isku daray waxay dhammaatay October 1969 mar Inqilabkii Military xooray dastorkii iyo ha’adihii ku dhisnaa. Maalintaas ka dib dawladnimada Somalidu  waxay ka koobnayd Humaag Dawladnimo iyo nuxur awood nin qudha oo huwan magac dawladeed oo qabiilaysan (State Structure with one man power and clannish politics)

Mincnaha, qiimaha iyo qaayaha taariikheed ee uu laha shirkii Burco 18kii May 1991 waxa uu dhacay waqti gaara oo xanuun badan ooy dhaceen wax weli aan Somalida dhexdeeda ka dhicin oo ku suntan isgumaad-Xasuuq- iyo burburin magaalooyin dhan oo soo dhismayey boqolaal sano. Waxaas oo dhan oo ddhacay ayaa dadkii shirkaas joogey qaadeen tallaabadii  ugu habboonaynd ee maalintaas la qaadi lahaa  oo ahayd Dibu-heshiisiin, taas oo nabadda iyo dawlad dhiska saldhig u ahayd. Ku dhawaaqii la soo noqoshda dawladnimadii Somaliland, markii Muqdisho ku dhawwqday mid aan la isla ogeyn ee Cali Mahdi madaxweyne loo caleemo saaray. Ayaa unugga dhismo-dawladeedka Somaliland ee dibuheshiisiinta ku dhisani  waxay ahayd bilawgii  dhismo dawladnimo Somaliyeed oo dadku leeyahay tii ugu horreeyesy.  Hase yeeshee, waxay bilow u ahayd guri dismihiisu soconayo boqolaal sannadood, oo ay tahay in boqolkii sanobo hal tallaabo loo qaado dhinaca horumarintiisa iyo dhammaystirkiisa. Sidaas darted weli lama gaadhin heerkii dawladnimo ee waxa la gaadhay taladii hobboonayd ee lagu gaadhi lahaa 18kii May 1991, taas oo ahayd Dibu-heshiisiin- ‘’Muslaxa beyna qabaiil’’.

Maanta waxa keliya  ee ay tahay in la tix-geliya waa qaanuunka dhismaha dawladnimada unugga ah ee ina faraya in la ilaaliyo waxa ugu yar ee kulmin kara danta guud oo ah mafhuumka (Concept) loo yaqaan  Barnamijka ugu yare e waqtiyada adag. The Minimum Program for the difficult times in the State formation process.

Dawladnimada iyo dimoqoraadiyada ka soo jeedda Ingiriiska ee aynu ku hiranaynaa intee qarini ayey soo jirtey oo soo kacaakufesey?, Kal hore markii Waftigii Barlamanka Ingiriiska ee uu hoggaminayey Hon. Alan Machel, waxuu ina yidhi  Dimoqoraadiyadayada soo jirtey todobada boqol ee sano ka badani ila hadda qaangaadh ma noqon, ‘’..Our Democracy which is over Seven hundred years of age is not yet a mature democracy. Halkii lixdankii hal-ku-dheggu ahaan jirey  ‘’Aan maalo hasheena maanteeq’’, haddii is-qabadkan maanta ee Siyaasadda mincno darrada ahi sii socodo waxaa xaalku isu beddeli doontaa, ‘’Aan qalano hasheena Maandeeq’’. La soco Runtu ma Fanta.

Adam Muse Jibril. adamjibril@hotmail.com

Comments

comments