Puntland: Kusimaha madaxweynaha Puntland oo qaabilay Dhaqaatiir ka socotay WAMY

Date:

Kusimaha madaxweynaha Puntland oo qaabilay Dhaqaatiir ka socotay WAMY
Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland ahna kusimaha Madaxweynaha Mudane, Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Dhakhaatiir ka socota Ururka Dhallinyarada Wadamada Islaamka ee (WAMY), oo Puntland ka fuliyey qalliin iyo daaweyn lacag la’aan ah.

Kulanka waxaagoobjoog ahaa Wasiirka Caafimaadka Puntland Mudane, Jaamac Faarax Xasan oo hogaaminayey wafdiga iyo Masuuliyiin ka socda Xafiisyada kala ah; Ururka Dhallinyarada Soomaaliyeed SOYPD , Hay’adda Xikma, Shirkadda KEBARCO iyo Isbitaalka Gaalkacayo oo dhammaantood kala shaqeynayey Wasaaradda in Mashruucan qaliinka iyo daaweynta lacag la’aanta ah uu hirgalo.

Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane, Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa bogaadiyey Adeega Caafimaad ee lacag la’aanta ah ee Dhakhaatiirtan ay dalka ka fuliyeen, Isagoo sheegay ka Dowladd ahaan inay marwalbo u fududeenayaan Dhakhaatiirta inay soo noqnoqdaan si ay howlaha samafalka caafimaad u gaarsiiyaan dhammaan Gobolada Puntland.

Dhakhaatiirtan oo u kala dhashay wadamada Sacuudiga iyo Suudaan, waxaa ay Isbitaalka Guud ee Gaalkacayo ka fuliyeen adeeg caafimaad oo lacag la’aan ah waxaa ka faa’ideystay dad ku dhow 140 qof, dadkaasi 105 ka mid ah waxaa loo sameeyay qalliin.

Ugu danbeyn Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane, Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa shahaadooyin mahadcelin iyo dhiirigelin ah guddoonsiiyey dhammaan dhakhaatiirtii ka socotay Ururka Dhallinyarada Wadamada Islaamka (WAMY) iyo xubnihii kala shaqeeyey mashruucan inuu qabsoomo.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Time to Temper Response to Ethiopia and Somaliland

The crisis in bilateral relations between Somalia and Ethiopia...

Al-Shabab captures UN helicopter in central Somalia

Several passengers reportedly taken by the armed group after...

It is Time for the World to Recognize Somaliland

omaliland has been on a charm offensive for three...