Jose Mourinho Oo Markii Ugu Horreysay SU’AAL Geliyey Taatikada Tababare Ole Gunnar Solskjaer

Date:

ose Mourinho ayaa markii ugu horreysay su’aal geliyey taatikada tababarenimo ee macallinkii kala wareegay Manchester United ee Ole Gunnar Solskjaer.

Manchester United oo lix guul-darro usoo hoydeen siddeedii ciyaarood ee ugu dambeeyey, ayaa ciyaartii ugu dambaysay waxa 3-0 ku burburisay Barcelona oo ka reebtay tartanka Champions League, taas oo ciyaartii kasii horreysay ee Old Trafford ka dhacdayna 1-0 ugu soo dhiibtay.

Waxa usii raacda, inay u degtay kaalinta lixaad oo ay ka sare mareen Arsenal iyo Chelsea, xilli ay hore ugu sugnayd kaalinta afraad.

Haddaba, tababarihii shaqada laga caydhiyey bishii December ee Jose Mourinho oo u warramay warbaahinta Russia Today ayaa waxa uu dhuuxis ku sameeyey taatikadii uu Solskjaer kala hortegay Barcelona labadii lugoodba, waxaana uu su’aal weyn geliyey heerkiisa tababarenimo.

“Booska Messi way fududdahay in la fahmo, laakiin ma sahlana in la abuuro xayndaab lagu xakameeyo. Waxa uu ka yimaaddaa dhinaca midig, kaddib dhexda ayuu tegayaa, Rakitic ayaa haddana midigta u wareegaya oo u ogolaanaya inuu joogo dhexda. Aad ayay u adag tahay.” Sidaas ayuu yidhi Jose Mourinho oo si guud u eegayey qaabka ay tahay in loo waajaho Lionel Messi iyo sida uu tababare Solkskjaer damcay  inuu u qabto.

Intaa kaddib Mourinho waxa uu si gaar ah u tilmaamay khaladaadkii uu sameeyey Solskjaer lugtii labaad ee Barcelona, waxaana uu si gaar ah farta ugu fiiqay qorshe qaldan oo uu u dejiyey qabashada Lionel Messi, waxaanu yidhi: “Ciyaartii hore, Manchester United ayaa meeshaas si fiican ugu gacan sarrraysay, laakiin ciyaartan dambe si ka duwan ayey kusoo galeen. Difaaca ka hor waxa kaliya oo joogay Fred. Waa booska uu Messi ka yimaaddo ee uu kubbadaha ka helo, marka uu Messi haysto kubadda…mid, mid, mid… kaddib waad dhimatay. Waa sababtaas midda aanan u jeclayn in Messi hal ciyaartoy oo kaliya uuq abto. Waad samaysan kartaa xayndaab aad geliso Messi, laakiin Barcelona waa Barcelona, waxay haystaan ciyaartooyo ka wanaagsan kuwa Manchester United, waxaanan aaminsanahay inay caadi tahay inay guuleystaan.”

Manchester United ayaa waxa hadda u taalla shaqo adag oo ah inay u dagaallanto inay ku dhamaysato afarta ugu sarraysa oo ay ka sare marto Arsenal, Chelsea iyo Tottenham, laakiin waxa iskugu xiga laba ciyaarood oo adag oo midda hore ay maanta la dheelayso Everton, Arbacada soo socotana ay garoonkeeda Old Trafford ku qaabili doonto Manchester City.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Time to Temper Response to Ethiopia and Somaliland

The crisis in bilateral relations between Somalia and Ethiopia...

Al-Shabab captures UN helicopter in central Somalia

Several passengers reportedly taken by the armed group after...

It is Time for the World to Recognize Somaliland

omaliland has been on a charm offensive for three...