Waa Kuma Laacibka Ay Barcelona Kooxdeeda Ka Dirayso Ee Lionel Messi Iyo Pique Ka Dalbaday Inay Ka Maslaxaan Maamulka Si Uu Usii Joogo?

Date:

Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa marka uu suuqa kala iibsiga ciyaartoygu furmo waxa la filayaa inay Camp Nou ka dirto ciyaartooyo aan dheef badan u lahayn oo mushahar badan ka qaata, kuwaas oo qaarkood ay lacago badan kusoo iibsatay muddo kooban ka hor.

Barcelona oo xili ciyaareedkan ku qaadanaysa farxad, dhawaanna loo caleemo-saari doono horyaalka sannadka ee dalka Spain ayaa waxay hore iskaga xaadirisay finalka Copa del Rey oo bisha dambe ay wada ciyaari doonaan Valencia, laakiin waxa kale oo farxad u ah inay usoo gudubtay semi-finalka Champions League oo ay Liverpool wada ciyaari doonaan.

Sida uu qoray wargeyska Don Balon ee kasoo baxa dalka Spain, maamulka sare ee Barcelona ayaa go’aamiyey in boos joogto ah loo damaanad qaado Ousmane Dembele oo tayadiisa ciyaareed sare u kac weyn samaysay tan iyo markii uu kasoo kabtay dhaawacii weynaa ee xili ciyaareedkii hore haleelay, waxaanay taasi daaqadda ka saaraysaa Philippe Coutinho oo ah laacibkii guu qaalisanaa ee ay abid Barcelona iibsato.

Wargeysku waxa uu sheegay in kooxdu ay doonayso inay iibiso Coutinho marka uu furmo suuqu,  waxaana lala xidhiidhinayaa kooxo ay ku jirto Manchester United oo diyaar ula ah inay u celiyaan Barca lacag inyar ka hoosaysa tii ay kaga soo iibsadeen Liverpool January 2018.

Inkasta oo warkani uu suuqa ku jiro haddana, Coutinho ma doonayo inuu ka tago Camp Nou, waxaana uu doonayaa inuu dagaal la galo Dembele oo uu boos ka cidhiidhsado safka hore.

ida uu daabacay Don Balon, laacibka reer Brazil ayaa weydiistay halyeeyada naadiga ee Lionel Messi iyo Gerard Pique inay ka caawiyaan sidii uu usii joogti lahaa Camp Nou, isla markaana ay kala hadlaan maamulka.

Si kastaba ha ahaatee, Coutinho oo dhegaha is qabtay markii uu gool ka dhaliyey Manchester United usbuucii hore, ayaa waxa xalay ku ooriyey jamaahiirta Barcelona.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Time to Temper Response to Ethiopia and Somaliland

The crisis in bilateral relations between Somalia and Ethiopia...

Al-Shabab captures UN helicopter in central Somalia

Several passengers reportedly taken by the armed group after...

It is Time for the World to Recognize Somaliland

omaliland has been on a charm offensive for three...