Cristiano Ronaldo Oo La Xaqiijiyay Inuu Seegi Doono Kulanka Eibar, Immisa Kulan Ayaase La Ganaaxay Bale.

Real Madrid ayaa goor hore u safartay Eibar iyadoo uu ka maqan yahay Gareth Bale iyo Alvaro Morata kuwaas oo aganaaxyo kala duwan ku seegaya, balse haatan waxaa lasoo sheegayaa in Cristiano Ronaldo uu seegi doono ciyaarta.

Weeraryahanka reer Portugal lama tababaran kooxda inteeda kale, wuxuuna si gooni ah ugu tababartay Valdebebas, balse Zidane ayaa shirkiisa jaraa’id ku sheegay ineysan jirin wax weyn oo laga walwalo.

Si kastaba haatan waxaa soo baxaya warar xaqiijinaya in Ronaldo uusan sinaba uga qeyb qaadan safarka, waxaana looga fadhiyaa Zidane sida uu kaga kabsado maqnaashaha CR7, Morata iyo Bale.

Comments

comments