Somaliland: Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Oo ka qayb-galay Tartanka Orodada Oo Lagu Qabtay Caasimada Hargeysa.

Date:

Somaliland: Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Oo ka qayb-galay Tartanka Orodada Oo Lagu Qabtay Caasimada Hargeysa.

Hargaysa-08-02-2019-()-Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa soo gabo-gabeeyay tartanka orodada oo ay ku tar-tamayeen dawladdo badan oo isugu yimid Tartankaas oo loo xushay in lagu qabto Jamhuuriyadda Somaliland.

Tartankaaas oo ay ku guulaysteen ciyaartooyadii ka socday Jamhuuriyadda Somaliland ee uga qayb-galay Somaliland, iyagoo galay kaalmaha Koowaad, Laabaad iyo Saddexaad-ba.

Wasiirka Dhalinyaraddda iyo Ciyaaraha Somaliland, mudane Boos Mire Maxamed ayaa sheegay in tar-tankani yahay kii ugu horeeyay ee Jamhuuriyadda Somaliland lagu qabto, waxaanu bogaadiyay dhalinyaradda reer Somaliland ee ku guulaystay tar-tankaasi.

Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici oo soo xidhay tar-tankaasi ayaa isna si weyn u hambalyeeyay dhalinyaradda reer Somaliland ee ku guulaystay tar-tankaasi, waxaanu Madaxweyne ku-xigeenku sheegay in tartankani sumcad ballaadhan usoo jiiday Jamhuuriyadda Somaliland.

Gebo-gebadiina waxa halkaasi abaal-marinno iyo shahaadooyin la guddonsiiyay dhalinyaradii ku Ordaysay magaca Jamhuuriyadda somaliland ee ku guulaystay tar-tankaasi.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Time to Temper Response to Ethiopia and Somaliland

The crisis in bilateral relations between Somalia and Ethiopia...

Al-Shabab captures UN helicopter in central Somalia

Several passengers reportedly taken by the armed group after...

It is Time for the World to Recognize Somaliland

omaliland has been on a charm offensive for three...