Chelsea Vs Man United Iyo Isku Aadka Wareega Shanaad Ee FA Cupka Oo La Sameeyay

Date:

Isku aadka wareega shanaad ee FA Cupka ayaa hadda la sameeyay iyada oo kooxda koobkan difaacanaysa ee Chelsea ay madaxa iskula jiraan Manchester United. Manchester United oo wareegii afraad ee FA Cupka soo dhaaftay Arsenal ayaa markale ku laaban doonta London.

Chelsea ayaa Stamford Bridge ku soo dhayn doonta kooxda Ole Gunners Solskjaer iyada oo uu yahay kulanka ugu xiisaha badan ee wareega shanaad ee FA Cupka.

Manchester City ayaa sugidoonta midkii soo baxa kooxaha yar yar ee Middlesbrough iyo Newport County iyada oo kooxda Guardiola fursad wayn u heshay in ay ka soo gudbin karto wareega shanaad ee FA Cupka kadib markii ay hore u gaadhay finalka EFL Cupka.

In Manchester United iyo Chelsea ay isku aadeen wareega shanaad ee FA Cupka ayaa Manchester City siinaysa fursada ay hal koox oo wayn oo kaliya ugula tartami karto koobka FA Cupka.

Halkan kaga bogo Isku Aadka Wareega Shanaad Ee FA Cupka oo Dhan:

Bristol City vs Shrewsbury / Wolves

AFC Wimbledon vs Millwall

Doncaster vs Crystal Palace

Middlesbrough / Newport County vs Manchester City

Chelsea vs Manchester United

Swansea vs Barnet / Brentford

Portsmouth / QPR vs Watford

Brighton vs West Brom b Derby

Kulamada wareega shanaad ee FA Cupka ayaa la ciyaari doonaa maalmaha jimcaha ee February 15 iyo Isniinta, February 18 markaas oo la ogaan doono kooxaha wareega xiga u soo gudbi doona.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Time to Temper Response to Ethiopia and Somaliland

The crisis in bilateral relations between Somalia and Ethiopia...

Al-Shabab captures UN helicopter in central Somalia

Several passengers reportedly taken by the armed group after...

It is Time for the World to Recognize Somaliland

omaliland has been on a charm offensive for three...