Manchester United Oo Si Rasmi Ah Ugu Dhawaaqday Kabtanka Cusub Ee Kooxdeeda.

Manchester United ayaa ku dhawaaqday kabtanka cusub ee ay kooxdeeda kowaad yeelan doonto kadib markii uu dhawaan kabtankeedii hore ee Wayne Rooney uu ku biiray kooxda Everton. Wayne Rooney ayaa si xor ah kaga baxay Old Traffrod kadib 13 sano oo uu ku soo qaatay Red Devils wuxuuna dib ugu laabtay kooxdiisii carruurnimo ee Everton.

Bixitaankii Wayne Rooney ee Manchester United ayaa tababare Jose Mourinho ku qasabtay in uu kooxdiisa kale ka soo dhex doorto kabtankiisa cusub ka hor inta aanu xili ciyaareedku bilaamin. Manchesrer United ayaa haddaba tababarka ku qaadanaysa ciida USA ka hor inta ayna ciyaarin kulamo muhiim ah oo ka horeeya xili ciyaareedka cusub.

Jose Mourinho ayaa kabtanka kooxdiisa Manchester United u doortay xidiga ugu khibrada badan isla markaana kooxda kowaad ugu waqtiga dheer ee Michael Carrick kaas oo ay dhawaan kooxdiisa Red Devils heshiiska u cusboonaysiisay si uu xili ciyaareed kale ugu sii qaato Old Traffrod.

Manchester United yaaa Michael Carrick ugu hambalyaysay in loo doortay kabtanka cusub ee kooxdeeda waxayna sidoo kale soo bandhigtay muuqaalka falcelintii uu Michael Carrick kaga hadlay dareenkiisa markii lagu dhawaaqay in uu laga bilaabo maanta yahay kabtanka Red Devils.

Michael Carrick ayaa ah halyayga kaliya ee ka hadhsan kooxdii Manchester United ee guulaha badan soo gaadhay waana ciyaartoyda faro ku tiriska ah ee baaqiga ku sii ah kooxda uu Jose Mourinho hadda haysto ee leh kubbada koob kasta oo ay kooxihu u dagaalmi karto.

Si kastaba ha ahaatee, Michael Carrick ayaa farxad wayn ka muujiyay in ugu danbayn uu si rasmi ah u xidho calaamada kabtanimada Manchester United oo uu waqti dheer soo difaacayay maaliyadeeda wuxuuna xili ciyaareedkiisa ugu danbeeyaa noqon doonaa mid uga xiiso badan muddadii dheeraadayd ee uu Old Traffrod ka soo ciyaarayay.

Halkan ka daawo muuqaalka Carrick Oo Dareenkiisa Ka Hadlaya Markii Loo Doortay Kabtanka Cusub Ee Manchester United:

Comments

comments